WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Mr Geeddi oo codsaday in maxaakamiinta ay xabada joojiyaan shirka sudan ay yimaadaan

15/8/06, Waxaa la hadal hayaa in Mr Cabdullahi Yusuf iyo Shariif Xasan aysan ka marneyn abaabulka dowladda Mr Geeddi soo dhisayo Shirkan jaraa'id oo ka dhacey guriga madextooyada ee Baydhabo; ayuu Mr Geeddi kaga hadley inuu soo dhaweenayo wada hadalka Golaha Maxkamadaha Islaamiga iyo dowladda KMG ah ay ku yeelanayaan waddanka Sudan, waxana Mr Geeddii shirkaas ku tilmaamey fursad qaali ah oo weyn.

Waxana hadalkaasi muujinayaa in Ra'iisalwasaare Geedi uu wax badan ka badeley fikirkiisii ku saabsanaa tagista shirka dowladda KMG ah ay la yeelaneyso Golaha Maxakamadaha.

Waxana Ra'iisalwasaaruhu sheegey inuu rabo in maalmaha soo socda wafdi dowladda ka socda ay gaari doonaan Khartoum. Waxana uu Madaxda Golaha Maxkamadaha Islaamka ugu baaqey iney xabad joojin sameeyaan.

Dhinaca kale, wakhtigii lagu ballansanaa in Ra'iisalwasaare Geeddi uu ku soo dhiso dowladda cusub, ayaa ku ekaa Axaddii (13kii August), iyada oon weli wax la dhisin.

Idaa-Waqaca Wariyaha BBC-da ee Baydhabo, Axmed Idaa-Waqaca ayaa sheegey in aan ilaa iminka aan la ogeyn sabab rasmi ah oo keentey in dowladdii laga sugayey Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddii ay dib u dhacdo.

Waxa la sheegayaa in labadii maalmood ee u dambeysey ay masuuliinta sare ee dowladda KMG ah ay lahaayeen shirar kala duwan oo looga hadlayo dowladda la dhisi doono.

Maadaama ay Wasiiradii hore tiradoodu aheyd 42 oo haddana lagu heshiiyey in dowadda la soo dhisi doono aysan ka badan 31 wasiir, ayaa masuuliinta sare ee dowladda Federaalku aad ugu mashquulsantahey sidii ay xubnaha iyo beelaha laga yaabo in aysan markan helin wasiirnimo; ugu qancin lahaayeen duruufaha ay wasiirnimada ku waayeen.

Ilaa maalintii ay bishan August aheyd 6da, madaxda sare ee dowladdu KMG ah kama ayasan hadlin arinkan ku saabsan dowladda cusub ee la soo dhisayo.


Source:BBC
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar