|
||
OGADENNEWS |
||
halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read
riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa? 10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka Eng:Ahmed Mukhtar Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi |
Jabuuti: Doon dad badan ku dhinteen07/04/06, Madexweynaha Jamhuriyadda Jabuuti, Ismaciil Cumar Geelle ayaa, amarey in la saaro guddi baara wixii sababey shilka doonta ku jabtey xeebta Jabuuti maalintii Khamiistii (6dii April 06). Sidoo kale, waxa Madexweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu dhambaallo tacsi ah u direy eheladii ad dadku kaga dhinteen doonta khamiistii shilka gashey. Wararka kale ee ka soo baxaya Jabuuti, waxa ay sheegayaan in dadka reer jabuuti ay iminka ku jiraan baroor diiq, iyadoo muragadu ay dad badan saameysey. Waxana weli socda dadaal weli loogu jiro baadi-goobka meydad la filayo iney badda hoosteeda ku jiraan, taasoo ay garab socota dadaallo lagu daweenayo dadkii iyaguna wax ku noqdey doontaas ee Isbitaalada yaal. Mas'uul ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti ayaa sheegey in loo maleenayo doonta rogmashadeeda iney sababtey iyadoo dad ka badan intii loogu talagaley lagu rarey oo markaas dhalisey iney doonto hal dhinac u ciirto. Sida ay sheegtey wariyaha BBC-da uga soo waranta Jabuuti, Kaltuum Maxamed Cali, mid ka mid ah Isbitaalada Jabuuti hortiisa ayaa lagu soo dhajiyey sawirada meydka dadkii ku dhintey doontaas, iyadoo dhinaca kalena lagu taxey magacyadoodii. Taas oo shicibka u fududeysey iney eheladood si sahlan uga gartaan kuwa dhintey iyo kuwa ka badbaadey. Waxa kale oo masuuliintu sheegeen in dhaawacu uu gaaryo dhowr iyo soddon qof. Yaasiin Cilmi Buux Wasiirka Arimaha Gudaha ee dalka Jabuuti, Yaasiin Cilmi Buux ayaa BBC-da u sheegey maadaama aan la heyn liis ay ku taxanyihiin magacyada dadkii doontaas raacey, in suurtgal tahey in dad kale ay ku maqanyihiin badda dhexdeed. Doonta wax dib loogu soo jeedey xeebta Jabuuti, meel aan ka fogeyn halkii ay ku jabtey. Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Fransiiska ee xeebta Jabuuti jooga, ayaa ka qeyb-qaatey gurmadkii lagu badbaadshey dadkii ka samatabaxey doontaas.
Source: Source: BBC Ogadennews - CONTACT BY EMAIL ![]() |
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi. by:Abdullahi Mohamed |
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||