WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


shir jaraaid ay maanta ku qabteen wadanka eriteria Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Shariif xasan Shiikh Adan iyo Xuseen Maxamed Caydiid,

18/04/07, Saddex siyaasi oo miizaan leh, ugu yaraan xagga xilalka ay hayaan, ayaa dowladda Ethiopia ugu baaqay in ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya. Haddii ay taas ka baaqsato, waxay Ethiopia ugu hanjabeen in ay la kulmi doonto iska caabbin aan ciidan u babac dhigi karaa jirin.

Guddoomiyaha ururka militeri iyo siyaasadba leh ee Maxkamadaha Shareecada, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Shariif xasan Shiikh Adan iyo Raiisal Wasaare xigeenka dowladda Federaalka, Xuseen Maxamed Caydiid, ayaa shir ay wada jir ugu qabteen Asmara, waxay Qaramada Midoobay ugu baaqeeyn in ay dirto Guddi soo baara dembiyo dagaal oo ay sheegeen in ay ka dheceen Muqdisho.

Dembiyadaa waxaa geystay ayay yiraahdeen ciidammada Ethiopia, laakiin ayay ku dareen, waa in la baaraa haddii ay jirto cid kala qeyb qaadatay.

Hore ayay eedeymaha noocan ah loo soo jeediyay, Dr Cumar Calasow, oo ah qaanuun yaqaan ku takhasusay xeerarka dagaalkuna waxaa uu ku tilmaamay in dembiyo dagaal ay ka dheceen Muqdisho, inkasta oo uu ku tilmaamay in aan dembi isir tir ahi aanuu ka dhicin.

Saddexdan mas'uul oo ay wehliyaan mudanayaal badan oo shalay laga eryay baarlamaanka, ayaa kulankooda ku soo beegay iyada oo boqollaal kun oo dadkii Muqdisho degganaa ah ay bara kiciyeen dagaallo iyo duqeyn xoog leh oo loo geystay xaafadaha magaalada qaarkood.

Dadkaas oo intooda badan u qaxay Shabeellada Hoose, qaar kale waxay gaareen gobollo aad u fog fog iyo weliba dalalka dibadda qaarkood.

Waxaa kale oo ay arrintani ku soo beegantay iyada oo magaalada Muqdisho is afgarad laga gaari kari la' yahay wadahadallo u dhexeeya saraakiil Ethiopian ah iyo Hoggaamiye Dhaqameedyo magac qabiil kula shiraya Ethiopian-ka.

Hadalka ay mas'uuliyiintani soo jeediyeen waxaa kale oo uu ku soo beegmay maailn ka dib markii 30 mudane oo ka tirsanaa baarlamaanka laga xayuubiyay xubinnimadii baarlamaanka.

Maantana waxaa isbeddel lagu sameeyay dowladda lagu magacaabay Xuseen Ceelaabe in uu noqdo Wasiirka Dibadda, iyada oo Islaaciil Buubbaa oo xilkaa hayn jiray loo dhiibay Wasaaradda Waxbarashada.

Taliyihii booliiska ayaa loo magacaabay Danjire, iyada oo jagadiisiina loo dhiibay Cabdi Qabydiid oo ka mid ah Hoggaamiye kooxeed ka qeyb galay dagaalladii qabiilka iyo kuwii siyaasadda ee Muqdisho intooda badan, kana tirsanaa Isbahaysigii isku magacaabay la dagaallanka argagixisada ee ay Maxkamaudhu ka taagroonaadeen.


Source:BBC(London)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar