OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

Dagaal xoog leh oo ka socda Muqdisho


11/05/06, Dagaalka Muqdisho oo sii xumaadey Farxiya Cali Qaajo BBCSomali.Com Hub culus oo habow ah oon loo meel-dayin ayaa shicibkii reydka dilaya Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay in kabadan 33, kalana way ku dhaawacmeen dagaalka Muqdisho oo galey maalintii afraad ee isku xigta oo la qaboojin kari waayey.

Masuuliinta goobaha caafimaadku waxa ay sheegayaan in markii la isku geeyo dadka ku dhintey dagaalada Muqdisho afartii maalmood ee uu socdey ay haatan gaareen 75 qof, halka dhaawaca yaal labada isbitaaladu uu kor u dhaafey 150 qof.

Dagaalkan ooy ku dagaalamayaan Maxkamadaha Islaamiga iyo kooxda la baxdey Nabadeynta iyo La dagaalanka argagixisada ayaa in muddo ahba la saadinayey, ka dib markii labada kooxood ay horey iskugu dhaceen oo dad badani ay rumeysan yihiin in intii ay kala maqnaayeen ay isku soo hub urursanayeen.

Khasaaraha uu dagaalkan geystey ayaa intiisa badan ku foorata dad reyd ah oo xabado iyo madaafiic habow ah ay guryahoodii ku dishey.

Tiro ma laha haweenka iyo caruurta Muqdisho ka qaxdey

Dadkii Arabacadii uu diley dagaalkan waxa ka mid ah haweeney xaamilo aheyd iyo wiil yar ooy dhashey oo la joogey oo madfac habow ah uu gurigoodii oo ku yaal agagaarka degmada Yaaqshiid ugu galey.

Hub culus oo shicibkii reydka dilaya

Waxa la xaqiijiyey in Arbacadii oo kaliya ilaa afar hub culus oo iskugu jirey hoobiye iyo madaafiic ay haleeleen agagaarka Yaaqshiid.

Dadaaladii ay wadeen duqowda iyo kooxda Dhaqaaqa bulshada reydka oo ay iskugu dayayeen iney xabad joojin ku abuuraan ayaa weli socota.

Waxa wararku sheegayaan in inkastoo aysan jirin xabad joojin rasmi ah oo lagu heshiiyey, haddana magaalada Muqdisho ay fiidnimadii Arabacadii xasilooneyd.


Source: Source: bbc
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar