OGADEN NEWS
Contact ...US


Saddam Hussein oo yidhi danbi malihi

21/10/05, Dad badan oo reer Ciraaq ayaa si weyn u daawadey maxakamaddii Saddam la saarey Waxa Arabacadii maxkamad ay Baqdaad uga bilaabmatey Madexweynihii hore ee dalka Ciraaq ee xukunka laga tuurey, Saddam Hussein. Mr hussein, markii hore waa uu diidey inuu maxkamadda la hadlo oo uu qiro magaciisa, balse markii dambe ayuu ku doodey inuu isagu yahey madexweynaha sahrciga waafiqsan ee waddanka Ciraaq.

Waxa uu xataa diidey inuu magaciisa sheego, isagoo garsoorihii maxkamadda weydiiyey, yaad tahey adigu? maxaeysa maxkamaddaaan rabtaa?

Doodda maxkmaddan oo telefeshanada laga daawanayey ayaa Saddam lagu eedeeyey dil iyo xad-gudubyo ku xiriira jir-dil. Waxana maxkamadda Saddam la geeyey ay ku taal, aagga sida weyn loo ilaaliyo ee loo baxshey dhulka ku xeeran khadka cagaaran.

Iyada oo boqolaal qoraal faahfaahin lagaga bixinayay eedaymaha loo haysto ayaa garyaqaanada u doodaya Saddam ay maxkamada waydiisteen in xukunka dib loogu dhigo muddo sadex bilood ah.

xaakinka kurdiga ah ee maxkamadaasi gudoominayay ayaa saddex saac markii uu socdey dhageysiga maxakamaddu; go'aan ku gaadhay in ay maxkamadu dib u bilaabmi doonto bisha Novembar 28da.

kiiskani waxaa uu noqon karaa kii ugu horeeyay ee dacwado badan oo lagu soo oogo madaxwaynahii hore ee Ciraaq, waxaana uu kiiskani ku saabsna yahay dilkii rag ka badnaa boqol iyo afartan nin, kadib markii la isku dayay in isaga lagu dilo magaalada dujail oo dhinaca waqooyiga ka xigta magaalada Baqdaad sanadkii 1982kii.

Saddam Hussein waxaa uu u sheegay xaakimada dacwadan qaadaya uusan isagu aqoonsaneyn islamarkaana waxa uu Saddam adkaystey in isagu weli yahey madaxweynaha xaqa ah ee Ciraaq.

Laakiin markii la waydiiyay inuu dambigaasi qabo iyo in kale ayaa waxaa uu sheeggay inaanu dambigaasi uusan qabin.



SOURCE:bbc

CONTACT BY EMAIL