OGADEN NEWS
Contact ...US


Ciraaq oo ansaxisey dastuurka cusub

October 24, 2005
Guddiga doorashada ayaa ku adkeystey in cod bixintu ay si caddaalad ah u dhacdey Dadka reer Ciraaq ayaa aftidii bishan bilowgeedii laga qaadey, ku ansaxshey dastuurka cusub ee waddanka Ciraaq loo qorey dhawaan.

Dadka u ololeenayey in 'Maya' looga soo horjeesto aftida dastuurka cusub ayaa rajeenayey in saddex meeloo laba qeyb ay ka helaan ugu yaraan saddex gobol, taasoo dib u dhac xun u geysan laheyd geedi socodka siyaasadda Ciraaq.

Laakiin sida tirinta rasmiga ee codadku ay muujisey dadka ka soo horjeeda dastuurku waxa ay ku guuleysteen oo kaliya laba gobol.

Iyadoo natiijooyinkii aftida laga warbixinayo ayaa bambaano sagaal qof ku dishey magaalo Kurdiyiintu leeyihiin.

Qarax kale ayaa ka dhacey magaalada Sulaymaniyah ee ku taal Woqooyiga Bari ee dalka kaasoo dhawacey laba qof oo la socdey baabuur waddey siyaasi Kurdish ah.

Saraakiisha guddiga doorashada Ciraaq ayaa sheegey in guud ahaan dad gaaraya 78% ay taageereen cahdiga, isla markaana ay 21% ka soo horjeesteen codeyntii lagu dhiibtey 15 Okioober 05.



SOURCE:bbc

CONTACT BY EMAIL