OGADENNEWS
 

Britian iyo dawlada Ethiopia oo kulmaya

17/12/05, Siyaasiyiinta Mucaaaradka Ethiopia Wasiirka Britian ugu qeybsan Arrimaha Afrika, Lord Triesman ayaa booqasho uga bilaabatay dalka Ethiopia. Waxaa la filayaa in uu ku dhiiro galiyo xukuumada Ethiopia in ay wadahadal la yeelato xisbiyada mucaaradka, ka dib markii dalka Ethiopia ay ka dhaceen sanadkan rabashada iyo in mucaarad badan la xirxiro.

Lord Triesman ayaa la filayaa in uu wadahadal la yeesho Ra'iisal Wasaaraha Ethiopia, Melez Zenawi maanta galinka dalbe.

Booqashada Wasiirka ayaa timid maalin ka dib markii xeer ilaalinta Ethiopia ay danbyo ku soo oogtay boqol iyo kow iyo sodox isugu jira siyaasiyiin, suxufiyiin iyo shaqaale hay'adaha samafalka, kuwaas oo la xirxiray doorashadii May ka dib.

Waxaana lagu soo oogay danbiyo ay ku jiraan khiyaamo qaran iyo kuwo kale. Dadkan maxkamada la horkeenay waxaa ku jira dhamaan dadkii hogaaminayay xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Xoogaga Midnimada iyo dimuquraadiyada ee CUD.


Source: BBC
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



 
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar