OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

xiisada u dhaxeysa wadanka Ethiopia iyo Eriteria oo sii xumaaneysa

18/01/06, Xuduudka dhinaca Ethiopia askari Ilaalo ah oo jooga Dowladda Eritrea ayaa u diiday in ay u ogolaato wafdi heer sare ah oo Mareykan ah in ay booqdaan xuduudka ay ku muransan yihiin iyada iyo Ethiopia.

Wafdigan oo ay hogaaminayso mas'uul sare oo ka trisan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Jendayi Frazer ayaa doonaysay in ay booqto Eritrea, si loogu dadaalo in xiisadda labada dal u dhaxeysa loo yareeyo.

Hase ahaatee, dibulumaasi ka tirsan Eritrea ayaa BBCda u sheegay in u ogolaashaha wafdiga Mareykanku uu ku tagayo xuduudka in loo arki karo in la yareesanayo go'aankii Beesha Caalamku ay afar sanadood ka hor ku dhameysay arrinta xuduudka.

Xukunkaas oo dowladda Ethiopia ugu baaqayay in ay dhulka lagu muransan yahay ku wareejiso dalka Eritrea. Ms. Frazer ayaa ka booqan doonta xuduudka lagu muransan yahay dhanka Ethiopia.

Gollaha Amaanka ee Qaramada Midowbay ayaa ka baaraandegaya sidii lagu yareen lahaa ciidamada nabad ilaalinta ee hadda jooga xuduudka lagu muransan yahay.


Source:bbc
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar