OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

Weerarkii ugu cuslaa ee Ciraaq lagu qaado ilaa iyo intii saddam laga caydhiyay


17/03/06,
Ciidan gaaraya 15,000 oo askari ayaa hawlgalkan ka qeybqaatey Miletriga Mareykanku waxa uu sheegey in weerarkii cirka ee ugu weynaa tan iyo 2003dii ay ku qaadeen maleeshiyooyinka jooga agagaarka magaalada Samarra.

Hadal ka soo baxey Miletriga Mareykanka ayaa sheegey in Khamiistii ay duulaan qaadeen ciidamo tiradoodu tahey 15,000 oo askari oo iskugu jira Mareykan iyo Ciraaqiyiin oo wata 50 dayuuradood.

Qarxintii bambka lagula dhacey bishii la soo dhaafey, mowlaca al-Askari ee ku yaalla Samarra oo 100 Km (60 mayl) dhinaca woqooyi ka xigta Baqdaad, ayaa sababtey in ay dalka Ciraaq ka dhacaan rabshado milado ku saleysan.

Ma jiraan warar madax bannaan oo ilaa iminka ka hadlaya weeraradii ciidamada isku jira ay Khamiistii qaadeen.

Miletriga Mareykanku waxa ay sheegeen in hawlgalkan weyn looga dan lahaa "in aagga bari ka xiga Samarra looga safeeyo hawlgalada kuwa kacdoonka wada ay ka hayaan".

Pentagon

Waxa Pentagonku sheegey in Helikobtarada loo adeegsadey in ciidamada Is-baheysiga lagu geeyo gobolka Salahuddin oo markii maalintu dhammaatey laga soo xirey 41 qof.

Waxa miletriga Mareykanku ay xaqiijiyeen in dayuuradahaas aan xabado iyo bambooyin laga soo ridin.


Source: BBC
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar