OGADEN NEWS
Contact ...US


Tirada dadka lagu dilay Addis Ababa oo gaadhay 45 ruux

BREAKING NEWS

5/11/05,

Laba qof oo kale, ayaa lagu dilay caasimadda Itoobiya, iyadoo isku dhacyo dhexmarayeen taageerayaasha mucaaradka iyo booliiska maalintii sadexaad.

Isbitaalada, ayaa sheegay in sideed qof oo kale ay dhaawacmeen. In ka badan 40 qof ayaa lagu dilay labadii maalmood ee ugu horaysay rabshadaha.

waddooyinka magaalada, ayaa wali qaashaankii iyo waxyaabihii bannaanbaxyada loo adeegsaday ay tuban yihiin, iyadoo goobihii ganacsigana la xiray.

Rabshadaha, ayaa qayb ka ahaa bannaanbaxyo looga soo horjeeda natiijada doorashooyinkii guud ee ka dhacay wadanka Ethiopia bishii May doorashadaas oo xisbiga talada haya uu ku guulaystay.

Mucaaradku waxay sheegeen in codbixintan iyo tirintaba lagu shubtay. Sanduuqa oo ay halkaas ka dhacday musuqmaasuq xisbiga mucaaradku Way diideen in aqbalaan in ay doorashadii ay xisbiga dawlada heysta uu ku guuleystay bishii halkaas oo uu banana bax laxaad leh uu ka dhacay Addisababa oo dawlada looga soo horjeedo dawlada.

halkaasina ay ciidamadu ku Dileen arday gaadheysa 31 ruux waxaa isla markaasna shaqo joojin sameeyay dhamaan gaadiidkii magaalada busaskii tagaasidii mudo dhan 3 maalmood magaaladiina madaxa ayay isla gashay.

Rabshadahan oo mudo socday ayaa dawladu waxay ku tilmaantay in ay yihiin sharci daro ayna ka danbeeyaan xisbiga mucaaradka (CUD) oo hada madaxdoodii iyo qaar ka mid ah taageerayaashoodii la xidhxidhay taasi oo keentay walaac in ay xasilooni la'aan ka dhacdo wadanka ethiopia.

waxaa kale oo aad looga cabsi qabaa in uu ethiopia iyo eriteria dagaal uu mar labaad dhex maro waayo labada wadanba ciidamo fara badan ayay xadka geeyeen. taasi oo ay dadka siyaasiinta ah ay u fasireen in ay labada wadanba ay ciyaarayaan "game" la rabo in lagu sii jeediyo kacdoonka dadweynaha oo la masquuliyo shacabka si ay u nabad galaan labadooduba iyaga oo uu dhaqaalaha wadnku liito ayay hadana isu hub aruursanayaan waa dhiyaamooyinkii hore ee ay madaxda afrikaanku waligood isticmaali jireen in dadweynahu la sii jeediyo lana jaho wareeriyo.

ra'iisul wasaaraha ethiopia meles zenawi oo uu cadaadis dheeraad ah ka heysto wadamada reer galbeed oo dhaqaale aad u badan siiya ethiopia ayaa hada ka walaacsan ficilka uu ku kacay ee ah laynta ardeyda xidhitaanka madaxda mucaaradka oogida dagaal ee eriteria isaga oo ciidamo aad u fara badan u diray xadka eriteria halkaas oo generalaada ciidamada amar buuxa ku siiyay hadii ay dareemaan dhaqdhaaq ciidamada eriteria ah in weerar qaadaan oo ay qabsadaan dekadii asab iyo dhul kaleba.

wadanka ingiriiska ayaa aad ooga cadheysan dilka loo geystay dadka shacabka dawlada ingiriisku waxay ethiopia siisaa lacag gaadheysa £30million oo deeq ah labada xisbi ee la tartama xisbiga labour party ayaa waxay ka codsadeen in uu tony blair ka fiirsado deeqda la siiyo dawlada ethiopia oo laga cabsi qabi in ay dagaal ku qaado dawlada eriteria.

dagaalka labada wadan ayaa waxuu sanadkii 1998 waxuuna dhamaamay 2000, halkaasi oo ay klu naf waayeen dad gadhaya 200,000 dad badana ay baro kaceen oo ay qaxootinimo oogu carareen wadamada dariska ah gaar ahaan sudan. waxa ay isku dagaalayaan waa dhul buuro ah oo abaar ah dadka degana ay ka yar yihiin ilaa iyo 100,000 oo ruux.

ninka madaxa Ethiopian Human Rights Council mr: Adam Melaku, ayaa sheegay in ciidamada boliiska ay xidhxidheen laayeen dad aad u badan oo taageersan xisbiga mucaaradka ah Coalition for Unity and Democracy (CUD) waxuuna yidhi dadku aad ayay u cabsanayaan oo guryahooda ayay ku jiraan. waxaana magaalada dhexdeeda yaacaya ciidamo military ah oo hub waaweyn wata cabsina galiyay shacabkii.


SOURCE:faysal abdullahi
Ogadennews - ADISABABA ETHIOPIA

CONTACT BY EMAIL