OGADENNEWS
  fooljeex

Maxkamadaha oo diidey shirka Sudan


26/07/06, Maxkamadaha Muqdisho oo iyaguna markooda diidey shirka Sudan Wareysi Shiikh Shariif uu BBC-du siiyey Talaadadii (15kii July 06), ayaa hadalkiisa laga dhadhansadey inuu leeyahey tagi meyno shirka Khartoum ee lagu balamey 2da August 06, inta ay ciidamo Ethiopian ah joogaan dhulka Soomaaliya.

Waxa Shiikh Shariih sheegey in shir la tago iyadoo ciidamada Ethiopia ay leedahey oo la sheegey iney u yeeratey dowladda KMG ah; ay Soomaaliya dhex joogaan, macne macno badan keenimeyso.

Waxa uu Shiikh Shariif intaas raacshey, sidaas ooy tahey waa in mowjadaha wadahadalku furnaadaan oon la xirin.

"Guryaha dadka ha laga baxo"

Hadal kale oo Gouddoomiyaha Golaha Shareecada, Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu jeediyey, ayuu ku yiri, dadka heysta dad kale hantidood waa iney uga baxaan ooy u celshaan dadkii xaqa u lahaa.

Waxa uu guddoomiyuhu u sheegey dadka reer Muqdisho in loo baahanyahey in la is-cafiyo; si loo helo niyad-sami iyo is-aamin.

Waxa Shiikh Shariif hadaladiisii ka mid ahaa "guryaha dadka ee la heysto waa in laga baxaa, beeraha dadka waa in laga baxo, hawlahaasina waa hawlaha ugu horeeya ee Maxkamadha Islaamigu ay ku dhaqaaqayaan markii ay dhammaayeen hawlaha amniga, maxaa yeeley cadaalad ayaa loo baahnyahey..Soomaalina maanta waa mid il "

Waxa uu Shiikh Shariif intaas raaciyey "waxaad ogaatiin maadaama aad degentihiin caasimaddii in aad matishaan Soomaali oo dhan oo ay idin soo fiirinayaan" waxana dadku sugayaan tallaabada aad qaaddaan, haddii aad guryaha ku sii jirtaan waxa aad tihiin qabiil isaguna is-diley ummaddiina bixiyey, welina xoog ku shaqeenaya".


Source: Eng:Ahmed mukhtar sheikh
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



 
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar