SOMALI LINKS
|
Wafdi Balaadhan oo Golaha Sare ee Jwxo,Booqanaya Wadanka Maraykankal
New Page 1
| Wafdi Balaadhan oo Golaha
Sare ee Jwxo,Booqanaya Wadanka Maraykankal |
Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo Xudunta Wararka Ogaadeenya,
ka soo gaadhaya dalka Maraykanka, in Wafdi Balaadhan oo Golaha Sare ee Jwxo,
ah kuwaas oo uu Hogaaminayo Gud.Golaha Sare ee Jwxo,Eng.Salahdiin
Abdirahmaan Maow,waxaa iyana wafdigaas ka mida Madax kale oo Sare,oo
Jwxo,kuwaas oo uu ka mid yahay,Gud.Hogaanka Abaabulka iyo Jaaliyaadka
Jwxo,Col.Abdiwali Hussein Gaas iyo Madax kale oo ah Xubno Gole Dhexe iyo
Wakiilo Jabhadda u Jooga Gobalo kala duwan.
Wafdigaas oo ka dagay dalka Maraykanka maalintii ay taariikhdu ahayd 28
May,2009,waxaa Garoonkii ay dalkaas ka galeen oo ahaa midka Minnosotta, ku
soo dhaweeeyey Madax Sare, oo uu ugu horeeyo Gud.Hogaanka Arimaha
Jabhadda,Halgame Abdi Adood Geelle Hussein,Wakiilka Jabhadda ee State ka
Minnosotta,Gud.Jaaliyadda Ogaadeenya,Xubno Gole Dhexe,Wakiiladda Jabhadda u
jooga Wadanka Maraykanka,Hooyooyin,Dhalin Yaro,Xobno Jwxo iyo Qaar ka mida
taageerayaasha Jabhadda ee aagaas.
Socdaalka wafdigan ooy ujeedadiisu tahay in Shacab Weynaha Reer Ogaadeenya
looga waramo Xaaladda Guud iyo mida Gaar ahaaneed kuwaas ooy ugu danbeeyeen
Talaabo Qaadka Siyaasadeed ee Jabhadan Wadaniga Xoreynta Reer
Ogaadeenya,taas ooy ugu danbeysay Geedi Socodka Siyaasadeed ee Golaha Sare
ee Jwxo, iyo Tusaalooyinka kama danbaysta ah ee lama huraanka ku noqday
Shacabkeenu Halgankooda ku badbaadsadaan.
Golaha Sare, ee Jwxo, oo isagu aaminsan ku dhaqanka Xeerka iyo MabaadiiŽdii
Rasmiga ahayd ooy oogu horeyso Raadinta Halgan ku dhisan aayo tashi oo
Shacabkani kaga goŽItoobiyadda isaga Gumeysata, kaas oo raacaya Khadkii
Dhabta ahaa ee Xoriyo Doonka Shacabka Reer Ogaadeenya iyo Dib ugu soo
celinta Jabhadan Ku Dhaqanka Xeerkaas.
Gud.Hore ee Golaha Sare, ee Jwxo,Dr.Mohamed Siraad Doolaal, ayaa isagu
Allaha u Naxariistee u Huray Shacabkiisha Dhiigiisii Qaaliga ahaa, isaga oo
Ku Qoray Calanka Reer Ogaadeenya,kadib markii uu arintaas u Shahiiday 17
Jan,2009,taas oo runtii Shacabka Ogaadeenya,Xubnaha Jwxo, iyo
Taageerayaashaba khasab kaga dhigtay in ay khadkaas dhidibadda u adkeeyaan
ooy waliba raacaan.
Dhanka kale waxaa iyana Wadanka Koonfur Afrika Socdaal la mida kan USA, ku
maraya Madax Sare, oo Golaha Sare,ee Jwxo, ka mida kuwaas oo Gudihii
Ogaadeenya, ka yimid,waxaana ka mida Gud.Xigeenka Hogaanka Gaashaandhiga
Jwxo,Qaar ka mida Taliyayaasha Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo
Xubno Gole Dhexe oo Jwxo.
Dhamaan Socdaaladan Golaha Sare,ee Jabhadda ayaa danta laga leeyahayi isugu
soo biyo shuban dib ugu soo Dabaalidda Jwxo, ku dhaqankii Xeerkii Aasaasiga
ahaa ee Jwxo iyo Walaaleynta Xubnaha Jabhadda,Taageerayaasha iyo Guud
ahaanba Shacabweynaha Reer Ogaadeenya, meel walba ay joogaan kuwaas oo laga
shaqeeyey sidii ay iyagu isugu mashquuli lahaayeen ugana soo jeedsan
lahaayeen la dagaalanka Gumeysiga Itoobiya.
Gaba gabada fariinta Golaha Sare, waxaa uu ku sheegay mid ka mida Xubnaha
Wafdiga uu Gud.Salahdiin Hogaaminayo in ay tahay u midowga Gumeysiga iyo
Garab Qabsiga Saaxiibka Dhabarka..
Abdi Madaale
Xudunta Wararka Ogaadeenya,
|
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|