OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

KOOXDA ONLF OO KU FASHILANTAY BARNAAMIJKOODA KHIYAANADDA KU DHISAN


22/05/06, Kooxda dibad joogta ah ee ONLF ayaa ku fashilantay ka dhaadhicinta dadwaynaha soomaaligabeed ee ku nool dalka & dibadda ujeedooyinkooda khiyaanada & hoos ka guurka ku dheehan ka dib markii ay soo baxeen is garab yaac badan oo ku dhex jira kooxda EXILE ka ah ee dibaddaha ku sugan

Waxaa wax lala yaabo ah in kooxda oo ku naaxday been abuur aan jirin & urursiga dagaal aan jirin meel uu ka jiro oo degaanka soomaalida ah inay dadka dibaddah ka dhaadhiciyaan waxay doonayaa kadib markii jaaliyadihii dibadda ay diideen inay taageeraan kooxda fadhi ku dirirka ah ee laga hago dibahada kuwaas oo gumaad ku hayo shacabka soomaaligalbeed waxaana ugu dambeeyay weerarkii fulaynimada ahaa ee lagu qaaday tuuladda BOODHCAANO oo ku taala duleedka magaaladda GODEY halkaas oo subax ay rasaas ka war heleen shacabkii tuuladda degaanaa inkasta oo dadkii tuuladda deganaa ay gaashaan u dhigeen kana cayriyeen degaankooda kooxaha budhcadda ah ee laga hago dibadaha kuwaaso oo ku qaraabta isla markaana qaaraan been abuur ah ka qaata jaaliyadda laga tan badiyay ee ku nool yururb & maraykanka walow dadka intiisa caqliga u saaxiibka ah ay dheer yihiin.

Ceebta ugu daran waxay ahayd markii odayaashii nabadda ay ugu yimaadeen wadahadlo dalalka EUROPE & US isla markaana kooxda qawlaystadaha & rag gangs ah ee hogaamiya ay diideen inay qaabilaan odayaasha dhaqanka oo ay soo dirsadeen shacabka soomaaligaleed ee ku nool dalka gudihiisa si xal loo helo isla markaana ay qabqabn qaabiyeen jaaliyadaha dibahad ku nool oo mudo 4 sano ah waday dhaqaalaha & qaban qaabadda howlaha nabadda.

ONLF ayaa xariir la leh ugu yaraan laba ka mid ah qabqabayaasha soomaaliya isla markaana lagu eedeeyay inay wax ka huriyaan dagaladda sokeeye ee ka socda koonfurta soomaaliya YUUSUF INSHA CADDE oo la sheegay 2004 uu gubay magaaladda DHOOBLEY & BARRE HIIRAALE ayaa lagu sheegay warbixintii qaramada midoobay inay xariir la leeyihiin kooxdda dibadaha ku nool ee ku naaxday xoolaha been abuurka ah ee ay haweenka & caruurta ka qaataan.

Fashilka ugu wayn waxay timid ka dib markii hogaamiyaha kooxada burcadda ah ee ONLF oo ku nool wadanka ERETERIA uu ka codsaday hogaanka dhaqaalaha SALAAUDIIN MACOW uu xilkii ka qaaday kadib markii macaw laga codsaday in uu lacag gaar ah u soo diro mohamed omar osman oo aan joogin LONDON oo lagu sheegay in uu jooga magaaladda ASMARA ee dalka ERETERIA halkaas oo ay aqoonsi u fidyeen maadama labada dowladood ay isku hayaan arimo xuduudka ah .

Si kastaba ha ahaateen waxaad moodaa in SALAAXU DIIN MACAW in uu diro lacagta laga dalbaday isagoo yiri waa in si nidaamsan wax la iiga qaadaa halkaas oo ay wada hadleen kooxdii ONLF ee daacadda u ahayd moahemd omar osman markaas oo xilkii dhaqaalaha laga qaaday halkaasna waxa uu MACOW kula wareegay lacagii haweenka & caruurta laga soo ururiyay waayahii ugu dambeeyay.

Inkasta oo uu diiday in xilka aan laga qaadi karin maadama awood qaybsi ay tahay sida soomaaliya oo kale maadama uu BAH GARI kaligii ka joogo uuna ku yimid 5.5 oo ah sida qabaa,ilka ogaden wax ku qaybsadeen in kasta oo lagu xadgudbay waxa uu sheegay inaan ka baxin hogaanka dhaqaalaha waxa kale oo uu sheegay in golaha dhexe oo wada dhan lagaga qaadi karo xilka isagoo sheegay in uu xaq u leeyahay in reerka ka soo jeeda loo magacaabo jagadda muhiimka ee dhaqaalaha bilaashka ku soo gala isla markaana lagu qayilo

Waxaa cadaatay in kooxda dibada joogta aysan taageero 1% aysan ka haysan shacabka dhulka soomaaligalbeed dega waxaadna moodaa maalihii ugu dambeeyay in website yadda wax u qoro kooxda ay sheegayeen been & propaganada aan loo aabayeeli oo ay leeyihiin waxaa jira tuulooyin la gubay dad la laayay ceelal la dumay waxaas oo dhan wax ka jira ma jiraan maxaa website yada soomaaliya & kuwa soomaaligalbeed midna ma soo qorin haddii ay jiraan dhibaato shacabka loo gaystay waxaa soo qori lahaa website yadda xorta ah sida SOMALITRIBUNE,GODEYNEWS,OGADENNEWS.COM,SOMALIOBSERVER.COM & SOOMAALIGALBEED.COM

Waxaas oo dhan danta ay ka leeyihiin waa in owrka ay ku kacsadaan ayna indha dadka ka leexiyaan dhibaatada ka dhex aloosan dhexdooda isla markaana ay ku qaraabtaan dagaal aan jirin meel uu ka socda waa durbaan shaydaan oo ay garaacayaa iyagoo rabo in uu dagaal sokeeye ka dhex dilaaco soomaalida wada degan degaanka sooomaalidda maadama iyagu aysan ahayn kuwa ku gubanay oo waxay joogaan yurub iyaga , haweenkooda & caruurtooda

Midda ugu daran waa ay jiraan warar sheegaya in CADDE MUUSE & DAHIR RIYAAL KAAHIN ay heshiis la galeen MALES ZINWE lagu waxyeelayo shacabka ogadenia maxaa yeelay waxaa been & propganada wada kooxda ONLF oo doonaysa inay shacabka gobolka uu lug xirnaado


Source: Source: From : Mohamed Jamac Abdalle
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar