WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


US: xisbiga Dimoqraadiga oo guul u dabbaaldegaya.

09/11/06, Taageerayaasha Dimoqraadiga oo u dabbaaldagya guushooda Xisbiga Dimoqraadigu waxa uu heley in ka badan 15kii kursi ee uu ugu baahnaa inuu ku qabsado Aqalka Hoose, laakiin Aqalka Senatka ayaa weli tartan xoogan ka socdaa.

Dimoqraadigu waxa ay rajeenayaan in ay ku badin doonaan labada gobol ee weli la isku heysto oo kala ah Montana iyo Virginia oo labadaba iminka Dimoqraadigu dhibco aad u yar ay ku horeeyo.

Wariyaasha ka warinaya arimaha doorashada Mareykanka ayaa sheegaya in natiijooyinka doorashadani ay ka turjumeyso sida shicibka Mareykanku ay uga soo horjeedaan arimaha ay ka mid yihiin dagaalka Ciraaq, musuqmaasuqa dowladda iyo dhqaalaha oon lagu wada faraxsaneyn.

Wax muuqata in natiijooyinka doorashadani ay bedeleen nidamkii siyaasadda ee Washington u baratey sanooyinkii na soo dhaafey, waxana la qiyaasayaa in labada sano ee Bush ugu hartey Aqalka Cad ay ka duwanaan doonaan kuiwii la soo marey sanooyinkii na soo dhaafey.

Kuraasta Dimoqraadigu heley Iyadoo ay weli soo baxayaan natiijooyinkii horudhaca ee ugu horeeyey, ayeey Dimoqraadigu ilaa iminka heleen 29 kursi oo ka saa'id ah kuwii ay horey u heysteen.

Madexweyne Bush ayaa la qorsheenayaa in saacaddu marka ay tahey 9:00 fiidnimo ee Afrikada Bari uu khudbad jeediyo. Dadka taxaaliisha ku sameeya arimaha Mareykanka, waxa ay sheegayaan in kontorllista ay Dimoqraadigu ku gacansareeyaan Aqalka Hoose ay u ogolaaneyso iney bilaabaan baaritaanno ku xiriira arimaha Ciraaq.


Source:BBC(London)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar