WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


US: Tababar ciidan Soomaali

4/03/10, Dawladda mareykanka ilaa iminka, kama qayb galin dadaalka la doonayo in lagu taageero ciidamada Soomaaliya oo ahmiyad weyn u leh xasiloonida dalka somalia oo 20kii sano ee la soo dhaafay aan lahayn dawladda shaqeysa.

Midowga Yurub hawsha tababarka ciidamada Soomaaliya, ee uu wado waa qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo caalami ah oo la doonayo in ay cagaheeda isku taagto dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Sida uu dhigayo qorshaha midowga yurub,ilaa 200 oo tababarayaal milatari oo reer yurub ah ayaa bisha May waxay bilaabayaan tababarida cutub ilaa 2000 askar Somaali ah oo lagu tabababarayo saldhig militrari oo ku yaal Uganda.

Maj gen Sherlock iyo ambassador Anthony Homes oo qaabilsan xafiiska arrimaha rayidka iyo militriga ee taliska ciidanka America ee Africa ayaa sheegay in ay u tageen Brussels, si ay ula kulmaan madax sar sare oo ka tirsan midowga yurub oo ay isula eegaan sida Mareykanku uga qayb qaadan karo tababarka iyo qalabeynta ciidamada Soomaliya.

Maj Gen Richard Sherlock wuxuu sheegay in mareykanku khibrad weyn u leeyahay xagga tababarida ciidamada. khaas ahaan saraakiisha dhexe oo halbowle u ah ciidan kasta

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar