WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Dagaal maanta ka dhacey Baydhaba

04/9/06, Ma aha markii ugu horeysey ee Baydhaba la isku dilo Dagaaka ka dhacey garoonka dayuuradaha Baydhabo waxa uu bilaabmey ka dib markii ciidamo boolis iyo militeri iskugu jira oo ka socda dowladda KMG ah ay weerareen maleeshiyo-beeleed garoonka maamulkiisa horey u heysey, halkaas ooy ciidamadii dowladdu kula wareegeen gacan ku heynta garoonka dayuuradaha Baydhaba.

Waxa warku uu intaas ku darey in ciidamada dowladda ee la wareegey garoonka dayuuradaha ee Baydhaba ay laba baabuur oo tiknika ah kala wareegeen ilaaladii horey u heysey maamulka Garoonkaas, iyagana hal qof laga dhaawacey.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bay, Ibrahim Macalin Nuurow, ayaa si kulul dagaalkan ugu eedeeyey Taliyaha Ciidamada Booliska ee dowladda KMG ah, Cali Madoobe.

Ibrahim Macalin Nuurow

Waxana uu Ibrahim Macalin yiri "airportiga Baydhaba waxa saaka weerarey nin la yiraa Cali Madoobe, si khalad ah ayuuna ku weerarey..Airportiga ciidan ayaa joogey oo la shaqeenayey maamulka gobolka iyo degmada, annagana waxba nalama soo socodsiin, qaab qabiil ayuu ku weerarey, waxa uu sheegtaa inuu yahey Taliyaha Booliska, annagu uma aqoonsanin, saacaddan wixii laga bilaabana Cali Madoobe waan iska dhicineynaa".

Waxa wararku sheegayaan in dagaalka ka dhacey garoonka dayuuradaha ee Baydhaba uu salka ku hayo khilaaf maalintii Axaddii (3dii September 06) dhexmarey Taliyaha ciidamada Booliska dowladda KMG ah iyo maleeshiyo beeleedkii garoonka horey u heyn jirtey.


Source:bbc
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar