OGADEN NEWS


Britain: Labour'ka oo guul taariikhiya heley

Tony Blair ayaa ku guuleystey xilli saddexaad oo xisbigiisu uusan waligii helin, laakiin markaan Blair waxa guushu raacdey iyadoo musharixiinta kale ay aad u wiiqeen aqalabiyadii uu heli jirey.

Mr Blair waxuu ku ballangaley inuu natiijadan uga jawaabi dooni "si macquul ah oo xikmadeysan". Waxana BBC-du saadineysaa in aqalabiyaddii uu baarlamanka ku lahaa ee sanadkii 2001da aheyd 167 mudane ay hadda noqon doonto 66 kaliya.

Xisbiga muxaafidku waxa uu soo bandhigey loolan adag, laakiin guud ahaan waxa la filayaa in kuraasta ay helayaan ay la mid noqon doonto tii ay heleen sanadkii 2001da. Xisbiga LD ayaa wax badan u soo kordheen, waxana la qiyasayaa in ay helaan 60 kursi.

Mr Blair waxa uu sheegey iney iska cadeyd in dadweynaha Britain ay doonayaan in xisbiga Labourku ku soo laabto maamulista waddanka, laakiin ay ku doorteen aqalabiyad ka yar tii hore.

waxyaabaha Labourku ka shaqeyn doono sanooyinka soo socda

Waxa uu Blair sheegey in xisbiga Labour'ka oo filanaya %36 codadkii la dhiibtey uu "diiradda saari doono arimaha dadweynaha Britain khuseeya", kuwaas ooy ka mid yihiin adeega caafimaadka, shaqooyinka iyo sharciga iyo kala dambeynta.

Waxa uu Mr Blair intaas raaciyey: "sidoo kale, waan ogahey in Ciraaq ay aheyd mowduuc waddankan kala qeybiyey, laakiin waxa aan rajeenayaa in mar kale aan midowno oon eegno mustaqbalka waddankan iyo kaasba".

Qore:Mohamednuur xirsi


mohamednuur1@hotmail.com