Ogadennews: somaliogaden people website
OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

Baarlamanka oo isku raacey in lala shiro Maxkamadaha


15/07/06, Madexweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamanku aad ayeey iskugu khilaafsan yihiin shirka Sudan Shirka Baarlamanka oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamanka Sharif Xasan Shiikh Adan waxa goob joog ka ahaa 158 xubnood oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Waxana uu furitaankii shirkaas Guddoomiya Baarlamanku ka sheegey in Baarlamaanku ka hadli karo siyasadda dalka. Jimcihii ayaa madaxweynaha DKMG ah CabdulaahI Yusuf khudbad sacad iyo bar socotay ku sheegay in Baarlmnaaka shaqadiisu aysan aheen in uu jaangooyo siyaasadda dalka, laakiin Baarlmaanku yahay waaxda sharci dajinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sharciga la ilaaliyo lana joojiyo gacan togaaleysiga. Gudoomiyaha Baarlamaanaka ayaa Sabtidii ku jawaabey in Soomaaliya ay u baahantahay dib u heshiisiin, isla markaasna uusan Baarlamanku ku jirin howl uusan isagu laheyn, oo gacantogaaleysi ah.

Shariif Xasan oo si kulul uga jawaabey hadlkii Jimcihii ka soo yeerey Madexweyne Cabdullahi Yusuf, ayaa xubnaha Baarlamanka ku yiri idinkaa xaq u leh waxa aan ka hadleyno; haddii aan idinku wado wax aydan xaq u laheyn waad iga celin kartaan.

Isagoo amuurtaas ka hadlaya Guddoomiyaha Baarlamanka DKMG ah ee Soomaaliaya waxa uu yiri" Dadka iyo dalku annagey wax naga sugayaan xaq ayaan u laheenayey in aan ka hadlno siyaasdda ..Laakiin in annaga fikirkayaga la diido oo la yiraa meel aadan shaqo ku laheyn ayaad gacan togaaleysataan uma arako. Waxa uu shriifku intaas ku darey in dowladdu laba sano ooy soo jirtey aysan hal heshiis keenin."

Dowlada kumeelgaarka ah ayaa shaki badan ka muujineysa wadahadalada lagu waday in ay Sabtidii (15ka July 06) ka furmaan magaalda Khartoum ee wadanka Sudan.

Wafdigii Midoowga Maxaakimta Islaamiga uga qeybgali lahaa shirkaas Jimcihii ayuu Muqdisho ka duuley. Codeyntii Baarlamanka Gabagabadii shirkaas ayuu Guddoomiyaha Baarlamanku xubnahii shirkaas joogey ka codasedy iney u codeeyaan, markii codku dhaceyna waxa uu sheegey in xubnaha Baarlamanka intooda badan ay ogolaaden in la tago shirka Sudan.

Waxana uu Shariif Xasan hadalkiisii u dambeeyrey ku yiri "guddi ayaan u saareynaa shirkaas, waana aan ka qeybgaleynaa cid noo diidi kartaan ma jirto".


Source:BBC
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar