WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Gabre iyo Madaxweynaha DFKMG Yuusuf gacan ka hadal dhex maray.?

Wararka aanu ka heleyno qaar kamid ah Mas'uuliyiinta gobalka Banaadir ayaa xaqiijiyeen inuu khilaaf weyn soo kala dhex galay Madaxweynaha DF Cabdilaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Gabre oo ah Jeneraalka ugu darajada weyn saraakiisha Ethiopian-ka ee Somalia joogta. Khilaafkaan ayaa la xaqiijiyay inuu yimid kadib markii Gen. Gabre uu maqlay in dacwad ka dhan ah loo gudbiyay Ra'iisul-wasaare Meles Zenawi. Gen. Gabre ayaa sida la xaqiijiyay shalay galab soo gaaray xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

"Gabre waxuu soo galay howl-ka lagu shiro ee Madaxtooyada, waxuuna soo ag istaagay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, laba eray ayay is dhaafsadeen kadib waxaan ka war helnay Gabre oo laba dharbaaxo oo deg deg ah ku dhuftay Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf, taasoo sababtay in Madaxweynaha uu dhulka ku dhaco, isla markaana madaxa darbi uu ku dhufto" ayuu yiir mas'uulkaasi gobalka Banaadir ka tirsan.

Madaxweynaha DF ayaa la sheegay in markii la dharbaaxeeyay uu ku qeyliyay erayo ay kamid ahaayeen "raali noqo gabre ,,,,, qalad baa wax laguu fahamsiiyay ,,, ".iyo erayo kale. Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha DFKMG Yuusuf oo dhawaan gaaray magaalada Addis Ababa uu hordhigay Ra'iisul-wasaare Meles codsi ku aadan in Somalia laga badalo Gen. Gabre uu ku eedeyay inuusan amar ka qaadan Dowlada KMG ah.

Madaxweynaha ayaa Gabre ku eedeeyay inuu marar badan isku dayay inuu shirqool ku dilo, isla markaana madaafiic ku garaaco xarumaha Dowlada gaar ahaan Madaxtooyada iyo Garoonka Muqdisho xiliyada ay madaxda ka duulayaa. Raggga sida gaarka ah Gen. Gabre la saaxiibka ah uuna ka dhaxeeya isbaheysi xooggan ayaa waxaa ka mid ah Darwiish, Maxamed Dheere, Xaabsade iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha wasiirada iyo qaybaha kale ee dawlada.

Madaxweynaha DFKMG Yuusuf ayaa si aad ah u diidan ciidamada ay sida gaarka ah u leeyhiin Darwiish iyo Maxamed Dheere oo fuliya danaha ka soo horjeeda isaga, inkastoo uu doonayey inay isaga ka amar qaatan dhamaan ciidamada dawlada sida uu doonana u adeegsado si ay awooda dawlada oo dhan gacanta ugu soo gasho balse arintaasi aanay dhicin, waqti badan oo xilkii uu hayeyna laga lumiyey in kastoo uu haatan dadaal ugu jiro sidii uu ku hanan lahaa awooda Dawlada oo dhan

Gen. Gabre ayaa lasoo warinayaa inuu isagoo xarakeynaya uu ka baxay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, isla markaana uu ku goodiyay inuu dili doono Madaxweyne Yuusuf. Madaxweynaha DFKMG ayaa u qeyla dhaamiyay Ciidamada AMISOM iyadoo guud ahaan ammaankiisa la wareegeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ee Muqdisho jooga.

DF iyo kuwa Uganda oo dhinac ah iyo Ciidamada Ethiopian-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Gen. Gabre ayaa sidii uu doono ula macaamila Madaxda sarre ee Dowlada KMG ah isagoo is mooda inuu ka daraja sareeyo dhamaan madaxda DF. Ex- Ra'iisul-wasaare DFKMG Cali Geedi oo gaaray Addis Ababa.


Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar