SOMALI LINKS
|
11/12/09,
Qaraxa ayaa waxa ku dhaawacmay ugu yaraan 50 qof
Qofkii dhawaan qaraxa bam ka sameeyay magaalada Muqdishu ayaa wararku sheegayaan in uu
ka yimid dalka Denmark.
Axmed Dhaqane oo ka mid ah madaxda deegaanka degmo ka tirsan magaalada Copengehan ee
waddanka Denmark ayaa BBC u sheegay in uu aqoon u lahaa ninka is qarxiyay,
oo uu ku sheegay in la oran jiray Cabdiraxmaan.
Wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG ah Daahir Maxamuud Geelle ayaa isna BBC u sheegay
in waalidiinta qofka is qarxiyay oo ku nool Copenhagen, ay aqoonsadeen sawirka wiilkooda.
Wararka ayaa sheegaya in uu Soomaaliya ka tagay isagoo ilmo yar ah toddobo iyo toban sano
ka hor intii aannu ku laaban sanadkii hore.
Waxaa la sheegay inuu ku biiray kooxaha xag jirka ah ee ka dagaallamaya Soomaaliya.
al-Shabaab ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd qaraxa oo ay ku dhinteen 22 qof oo ay
ku jireen saddex wasiir oo ka tirsanaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|