WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


ISBAHEYSI CUSUB OO LOOGA SOO HORJEEDO MIDOWGA MAXAAKIIMTA OO LAGU DHISAY ISMAAMULKA SOMALIDA EE KILINKA SHANAAD ( GODAY)

28/11/06, Dalalka isbahaysigaas ka mid ah iyo kuwo si dadban loogu daray xero ciidamada circa Ethiopia ay ku leeyihiin magaalada goday dhulka somalida ee Ethiopia ayaa shalay waxaa ka dhacay kulan sadax goosood ah oo ay halkaasi ku yeesheen saraakiil ka kala socota Ethiopia maraykanka iyo dawlada yaman.

iyada oo dhinaca maraykanka ay shirkaasi uga qeyb galeen saraakiisha qaabilsan waxa loogu yeero la dagaalanka argagixisada ee Djabuti saldhigoodu yahay halka dowlada yaman ay uga qayb galen saraakiil ka kala socoto ciidamada circa ,iyo kuwa dhulka wax ka duqeeya dhanka kalana dhinaca dowlada Ethiopia ay uga qebgaleen saraakiisha ugu saraysa ciidamada Ethiopia qaar ka mid ah

Kulanka ayaa waxaa sadaxda dhinacba waxey uga wada hadleen qaababaka ugu haboon ee looga hortagi karo maxkaamdaha isla markaana amaanka geeska Africa loo sugi karo .

Iyada oo gabagabadii kulankaa ay sadaxda dhinac isku afgarteen in ay iska kaashadaan waxa ay ugu yeereen sugida amniga ee geeska Africa iyada oo halkaasi lagu dhisay isbahaysi cusub oo ay iska kaashanaya labadaasi arimood.

Kuwaas oo ay xubno muhiim ah ka yihiin dalalka maraykanka . Ethiopia iyo yaman sida qorshu yahayna lagu soo darayo dalal kale oo ay ugu horeyaa ugandha ,dowlada fadaraalka KMG ah iyo kuwo kale oo aan la magacaabin.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah dalalka muslimka ah ayaa maraykanku wuxuu adeegsanayey xeelado cusub oo uu ku yaraynayo qasaaraha ciidamadiisa isga oo mar walbo sameeya isbahaysi ka dhan ah cida uu maagan yahay islamaran la wajaha hadba dalka howgalka lagu fulinayo ,sida ciraq.afgaanistaan.oo intuba ay kula jiraan dalala badan isbahaysiyo ,isaga oo hadana u muuqdo mid somaliya u ruursanayo isbaysi ka dhan ah oo cusub kuwas oo isbahaysi looga dhigayo la dagalanka maxkamadaha somaliya


Source:BBC(London)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar