OGADEN NEWS


SHIR BALAADHAN OO KA FURMAY LONDON

25/6/05, Waxaa maalintii shalay 24/5/05, shir balaadhan uu ooga furmay dad kala duwan oo xiisaynaya in ay nabad ku soo dabaalaan gobolka ogadenya. waxaa shirkan ka soo qeyb galay wafuud ka kala timid dalalka kala ah Denmark,France,Norway iyo Sweden iyo dadweyne kale oo reer London ah oo isagu jira rag iyo dumarba.

shirkan waxuu shalay ku furmay si xiiso leh oo uu qof walba ka hadlay wadadii loo mari lahaa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa ogadenya ama somali region of ethiopia. iyo horumarinta arimaha bulshada gudigii shirka waxay carabka ku dhufteen in shirkan uusan aheyn shir siyaasi ah ee uu yahay shir looga hadlayo arimaha bulshada iyo nabadgelyada ogadenya.

laakiin dadweynihii ka soo qeyb galay ayaa waxay qaar ka mid soo jeediyeen in uu shirkan ka soo baxo urur horumarin iyo nabad doon ah oo dib dalkii oogu noqda waxna u qabta bulshada ogadenya ama somali region shirkan waxuu galay maalintiisii labaad waxuuna bilaabmayaa 10 am subaxnimo waxuuna soconayaa ilaa 19:00pm waxii go'aamo ka soo baxa shirkan dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.

nabadgalyo iyo horumar waa saldhiga bulshada


Maamulka Ogadennews.Com


ogadennews1@hotmail.com