OGADEN NEWS


Shariif Xassan oo tagay xeryaha Maleeshiyooyinka !!!

18/5/05,Shariif Xassan, ayaa markii uu tagay xarunta laanta buuro, oo ay ku xaraysan yihiin maleeshiyooyinka, waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, mudanayaal ka tirsan baarlaamanka, saraakiil iyo haweenka gobolka Banaadir, oo ayagu halkaasi ku sugnaa tan iyo maalintii la geeyey xeradaasi kana waday hawlaha dajinta maleeshiyooyinka.

Shariifka, oo ay si wayn imaanshiyihii u soo dhoweeyeen maleeshiyooyinkii xaraysanaa, ayaa waxaa halkaasi uu salaan kaga qaatay saraakiisha u xil saaran hawlaha tababarsiinta iyo ciidamada la doonayo in la tabaro. Guddoomiyaha oo la hadlay Maleeshiyada

Gudoomiyaha barlamanka, oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay farxad galinayso in uu arko heshiiskii ay galeen hogaamiyaashii kooxaha Muqdisho ee haatan ka mid ah xubnaha labada gole ee dawladda oo bilaabay in ay fuliyaan heshiiska ay wada gaareen.

"Waa talaabo ay horay u qaadeen marba hadii ay isu keeneen wiilashii shalay hubka isku haystay ee dagaalameyey, haatana ay hal meel ka soo wada jeedaan iyagoo ku faraxsan una diyaar ah in ay meel qur ah ku bartaan difaaca dalka." ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Waxaanu kula dar daarmay malayshiyooyinka haatan xeraysan in aysan ka caajisin hawlaha tabarka ay qaadanayaan, waxaanu intaa raaciyey in ay noqonayaan markii ay soo qaataan tababarka ciidamada Qaranka.

Maleeshiyooyinka, ayaa waxay gudoomiyaha baarlamaanka u balanqaadeen in ay qaadanayaan talooyinkiisa wax ku ool ka ah iyo tababarada la siinayo, ayna diyaar u yihiin kuna faraxsan yihiin in ay noqdaan difaacayashii dalka iyo dadka Soomaaliyeed, hubka gacanntooda kujirana ay u dhiibeen gudoomiyaha Baarlamanka.

Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa waxaa uu halkaasi ka furay tababarkii la siin lahaa maleeshiyooyinka ku xayaraysan xerada laanta buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasoo si rasmi ah u bilaabanay Maanta oo Tallaado ah 17 May. Macalimiinta tababaraysa Maleeshiyada

Ilaa iyo sodon sarlkaal, oo ka mid ah macalimiintii wax ka dhigi jiray dugsiyadii ciidamada Soomaaliya, ayaa sidoo kale waxay gudoomiyaha baarlamamka u balanqaadeen in ay diyaar u yihiin in ayaqoonta ay dalkooda hooyo u soo barteen ku wareejiyaan maleeshiyooyinka, oo aysan ka caajiso doonin.

Qaar ka tirsan maleeshiyooyinka, oo aan la sheekaystay, ayaa ii sheeegay in ay ku farxasan yihiin xerada la keenay iyo tababarka la siinayo iyo sida ay isu dhax galeen wiilashii shalay, iyagoo iska soo horjeeda is dilayay.

Hawlaha dajinta iyo soo ururinta agabyada lagama maarmaanka u ah nolosha maleeshiyooyinka ku jira xerayaha ay u baahan yihiin, ayaa waxaa gacan wayn ka gaystay haweenka gobolka Banaadir, oo habeen iyo maalin iyagu halkaasi ka shaqaynaya.

Maleeshiyooyinka haatan lagu xereeyey xeryaha Laanta buuro iyo Hiil-wayne, ayaa waxay bilow u yihiin maleeshiyooyin aad u fara badan, oo ku sugan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, oo ay balanqaadeen hogaamiyaashii kooxaha Muqdisho ee haatan wasiirada iyo mudanayaasha ka ah dowladda ku meelgaarka ah, in ay ka saarayaan magaalada, oo ay hub ka dhigis iyo dhaqan celinba ku samayn doonaan.


mohamednuur1@hotmail.com