OGADEN NEWS
Contact ...US


qaraxyo lala beegsaday salaada jimcaha iraq

BREAKING NEWS


19/11/05,
magaalada Khanaqin waxa wada jir ugu nool Kurdiyiin iyo Shiica Qaraxyo ay geesteen dad bambooyin isku soo rakibey oo lala beegsadey salaaddii Jimcaha ayeey ku dhinteen ugu yaraan 65 qof, halka uu dhaawacuna ka gaarey 80 ruux.

Booliska ayaa sheegey in qaraxyadani ay ka dhaceen laba Masaajid oo shiicadu leedahey oo ku yaal magaalada Khanaqin ee saaran xudduudda Ciraaq la leedahey Iran.

Dadka bambooyinka isku soo xidhay ayaa is-qarxiyey iyadoo dadka halkaas ku dhintey ay salaaddii Jimcha ku sii jeedeen. halkaasina khasaare aad u balaadhan uu soo gaadhay shacabka.

Isla maalinimadaas Jimchalaba galankii hore, laba baabuur oo lagu qarxiyey Wasaaradda Arimaha Gudaha ee ku taal Baqdaad horteeda ayaa waxa ku dhintey lix qof. Weerarakaas oo ka dhacey meel ku dhow xudunta degmada Jadiriya, waxa ku dhaawacmey 40 qof, waxana qaraxyadu ay dhulka dhigeen daaro badan oo isku dhiganaa.

Sidoo kale, waxa laga yaabaa in dadka qarxyada geestey ay beegsanayeen Hoteel ay dadka ajaanibku isticmaalaan. .


SOURCE:BBC

CONTACT BY EMAIL