|
||
OGADENNEWS |
||
halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read
riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa? 10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka Eng:Ahmed Mukhtar Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi |
13/07/06, Siyaasiinta Mareykanku si weyn ayeey maalmahan u hadalhayaan Soomaaliya Waxa kulankaas marti ku ahaa oo ka hadashey arimaha Soomaaliya Ms Jandayi Frazer oo ah ku-kaaliyaha Xogahayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arimaha Afrika oo dhawaan ka soo laabtay socdaal ay ku tagtay wadamada Afrikada Bari, safarkaas oo ahaa mid la xiriira xaaladaha cusub ee ka jira dalka Somalia. Arimaha kulankaas lagu faaqidey waxa ka mid ah xaaladda guud ee Soomaaliya iyo sidii xasilooni loogu soo dabbaali lahaa, waxa la is-weydiiyey dadka ay ka kooban yihiin Maxkamadaha Islaamka; nooca ay yihiin iyo arinka goosashada Somaliland oo la soo hadal qaadey. Kulankan Talaadadii uu qabtey Guddiga Aqalka Duqowda ee Kongareska Mareykanka u qaabilsan Xiriirka Dibadda waxa Guddoomiyey Senator Mel Martinez oo ka soo gala gobokla Florida, waxa kala oo ka qeyb-qaatey qabanqaabada kulankan Senator Norm Colman oo ka soo gala gobola Minnesota Iyo Senator Russel Feingold oo ka soo gala goblka Wisconsin oo dhab ahaantii isagu muujiyey daneeynta ugu badan ee arimmaha Soomaaliya looga hadley. Waxa kulanku marti ku ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arimaha Afrika, Jandayi Frazer iyo ku-xigeenka hey'adda USAID, Mr Mike Hess oo iyagu ahaa labada qof ee jeediyey dulucda arinka loo qabtey shirkan. Sidoo kale Senatarada shirkan joogey ayaa iyaguna hadal kooban jeediyey ka dibna su'aalo badan weydiiyey Ms Frazer iyo Ms Mike Hess. Ujeedada shirkani waxa uu ahaa bal in Senataradu ay ogaadaan halka ay Mareyso siyaasadda Maamulka Bush ee ku aaddan Soomaaliyada Maanta jirta iyo loolanka hor yaal. Waxana ay Senataradu furitaankii hadalkooda ku sheegeen in kulankani uu ka dhashey caal-waa ka taagan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ku saabsan. Markii hadalka lagu wareejiyey Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka, Ms Jnadayo Frazer ayeey tibaaxdey siyaasadaha maamulka Bush ee Soomaaliya. Waxa Ms Frazer tiri "Markii la eego waddamada Saxaaraha ka hooseeye ee Afrika, Soomaaliya ayaa ah midda loolanka caddaadiska wata ku heysa Mareykanka. Xasilooni la'aanta Soomaaliya ka sii socota waxa ay wiiqdey xaaladaha aadaminimo oo markii horeba daciif ahaa ee Soomaaliya ka jira, waxana ay cabsigalin ku heysaa ammaanka guud ee Afrikada Bari. Waddanka sida gaarka ah u burburey waxa uu magan galyo u noqdey meel argagixisadu ku dhuumato. Safar aan dhawaan ku tagey gobolka ayaan ku marey Uganda, Kenya, Djibooti iyo Ethiopia, si aan waddamadaass ugala xaajoodo Soomaaliya. Si loo wajahu loolanka burburka Soomaaliya la yimid, waxana noo soo baxdey in lagu hawlgalo hawlo iskuduwidooda aaan kala qeyb-qaadaneyno waddamada aan dan-wadaagta nahey iyo madaxda Soomaalida, si loo gaaro himilada na mideysa ee ah in xasilooni iyo nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya." Marki ay Kaaliyaha Xoghayaha Arimha Dibadda ee Mareykanku dhameysey warbixintii ay guddiga Sentaka u qaabilsan Arimaha Dibadda u soo diyaarisey ayeey Senateradii hor fadhiyey oo ah kuwa kaliya ee wax weydiin karey ay su'aalo ku qarqiyeen. Senator Mel Martinez oo shirkan guddoomiyey ayaa su'aashii ugu horesey ee uu u jeediyey Ms Frazer ku weydiiyey bal noo sheeg cidda ay ka kooban yihiin iyo waxa ay u taagan yihiin kooxdan lagu sheegey Midowga Maxkamadha Islaamiga..ma koox dooneysa iney shareeco dalka ku dhaqadaa maxe yihiin? Madaxada Wasaaradda Arimaha Dibadda qeybteeda Afrika ayaa hada si weyb ugu hawloon Soomaaliya Waxana Ms Frazer ay ku jawaabtey "Midowga Maxkamaduhu waa kooxo kala gedisan oo isku jira. Waxa fahankeygu yahey iney maxakamadahan sameeyeen qabiillo kala duwan iyo jifooyin hoose oo maraka qaar ay taageeraan madaxa ganacsatadu oo iskudayaya iney sharci iyo kala dambeyn ka abuuraan qaran burburey. Marka aad eegto qasdigooda iyo waxqabadkooda, Maxkamadaha Islaamigu waxa ay iskugu jiraan kooxo dhab ahaantii si waaqici ah u raba iney dadweynaha taageeraan, iyo dad tira yar oo ka mid ah Maxkamadaha oo laga yaabo iney leeyihiin himilooyin siyaasadeed oo jihaadnimo ku jirto. Marka waxa ay ila tahey in dadka ku jira Maxkamaduhu ay ballaaranyihiin oo aad ka heleyso kuwa qasdigoodu ku egyahey in dadweynaha loo adeego iyo kuwa laga-yaabo in fikirkooda Islaamigu uu xag-jiro, laakiin aan mar kasta la oran karin colaad bey u taaganyihiin, balse qaba fikir ah iney dhisaan dowlad Islaamiya iyo qaar u taagan iney weeraraan danaha reer Galbeedka oo iyagu aaminsan fikir ku saleysan jihaad qaadis." Mar la weydiiyey maxaad tiigsaneysaan oo maamulka Bush sugayey inuu qabsooma, waxa ay tiri Ms Frazer, waxa jirtety mar ay heyadaha dowladdda federaalku is-khilaafsanaayeen, taas iminka waa laga soo gudbey. Waxa aan aad u dhowreyney in heyadaha federaalku ay dalka gudihuusa galaan, Baydhaba ayeey dhawaan u guureen, waxana aan sugeynaa in mar uun ay Muqdusho u guurto dowladdu. Kulankani waxa uu ka dhashey dhaliil Maamulka Bush lagu naqdiyey inuu ka caga jiidayo arimaha Soomaaliya. Senator Russel Feingold oo runtii su'aahii ugu badnaa ugana kululaa weydiiyey Ms Frazer, ayaa yiri qaar badan oo naga mid ah ayaa rumeysan in Soomaaliya lo magacaabo Ergey gaar ah ama sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka, si uu u maareeyo waxyaabaha ka socda Soomaaliya; islamarkaana loo dhaqan galsho istraatijiyad guud oo xaalka Soomaaliya lagu ilaalsho, Maxey tahey waxa aad jagada noocaas ah aad u abuuri la'dihiin iyadoo hada arimaha Soomaaliya ay xiiso gaar ah yeesheen? Waxana Ms Frazer uga jawaabtey "Waxa ay ila tahey in nidaamka siyaasaddayada dibaddu ay si wacan ula shaqeeneyso saraakiisha iminka jira. Waxa aan ogaheyn in maraka qaar markii ay soo baxaan mowduucyada noocaan ah lagu baaqo Ergey gaar ah. Laakiin iminka waxa aan leenahey saraakiil badan oo taxan ilaa xoghayaha Arimaha Dibadda iyo Madexweynaha naftiisa. Ma diidani in Ergey gaar ah loo abuuro arimaha Soomaaliya, laakiin xilkaasi waxa uu la yaal masuuliinta gacanta ku haya jaangoynta siyaasadeena dibadda. Ugu dambeyna Senator Norm Colman oo ka soo gala gobola Minnesta oo ah gobolka Mareykanka ah ee Soomaalida ugu badan ay joogto ayaa Ms Frazer weydiiyey, fariin noocee ah ayaad rabtaa in aan ula noqdo Soomaalida deegaankayga oon ugu xaqiijiyaa in Mareykanku uu gacanta kula jira sidii xal nabadeed oo dimoqraadiya Soomaaliya loogu soo dabbaali lahaa ? Sida ayeey Ms Frazer ugu jawaabtey Senator Colman "Waxa ay ila tahey in aad u xaqiijin kartid in si buuxda aan gacan ugu heyno arimaha Soomaaliya oo aan maqalney codkooda iyo sida ay iskugu dayayaan iney cod ku yeeshaan Soomaliya, waxa dadka Soomaalidu noo sheegeen in xag-jirnimadu aysan maanta meel ku laheyn Soomaaliya oo xag-jirnimadu ay ka soo horjeedo dhaqanka Soomaalida, oo xataa seef-la-boodnimadu ay lid ku tahey ku dhaqanka Islaamka. Sidaas darteed waan qaadaney hadalkaas, waxana aan ku dareynaa istiraatijiyadda aan Soomaaliya u diyaarineyno. Shirkan Talaadadii ay qabanqaabiyeen qaar ka mid ah Senatarada Aqalka Duqowda ugu magac dheer, waxa uu daba joogaa qaraar laba todobaad ka hor guddi ka tirsan Saenatku ansaxsheen oo maamulka Bush ku booriyey in arimaha Soomaaliya deg deg wax looga qabto. Markii aad eegto qaraarkaas iyo shirkii dhawaan Mareykanku agaasimey ee looga hadley Soomaaliya ee lagu qabtey New York iyo hadalheynta cusub ee maalamhan Qaramada Midoobey ay hadal heyso Soomaaliya intuba waxa ay ka marag kacayaan in xaalka Soomaaliya oo maanta bogga koobaad ugu qoran yahey beesha caalamka.
Laakiin si kata oo beesha caalamku ula guntato Soomaaliya, waxa aan shaki ku jirin in aakhirataanka dadka Soomaalida
oo kaliya ay yihiin ku Soomaaliya ka saari kara dhibka ay ku jirto.
Source:BBC Ogadennews.com - CONTACT BY EMAIL ![]() |
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi. by:Abdullahi Mohamed |
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||