WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Caafimaadka Paul iyo Rachel oo u dhashay wadanka ingiriiska oo weli lagu heysto xarardheere oo ka sii daraya

01/02/10, Lamaanaha u dhashay Britain ee lagu haysto gudaha Soomaaliya kadib markii ay afduubeen burcad badeed Soomaali ah, ayaa sheegay in si xun ay ula dhaqmeen kooxaha haysta.

Rachel iyo Paul Chandler, ayaa la hadlay dhaqtar Soomaali ah oo loo ogolaaday in uu booqdo.

Dr Maxamed Cilmi Xangul, ayaa sheegay in qoyska Chandler uu haysto caafimaad xumo dhinaca maskaxda iyo jirka ah.

Wuxuu sheegay in uu dawooyin u quray, uguna baaqay kooxda haysata in ay isu geeyaan lamaanaha oo goobo kala duwan lagu hayo.

Wuxuu xusay in uu kula taliyay sidoo kale kooxda in ay muhiim tahay in ay ka fakaraan daryeelka lamaanaha maadaama ay lacag ku doonayaa, oo ay jeclayn in ay cafimaad darro u dhintaan.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar