OGADEN NEWS
Contact ...US


MAGAALO LABA CADOW LEH EE KEEBAY LA DARISTAA

BREAKING NEWS


BBC: Twenty die in Ethiopian jailbreak/ 20 ruux ayay tigreegu ku dileen magaalada qabridahar/to read click the link

17/11/05,
Hadii aan u soo noqdo magaalada kor ku xusan waa in aan dul mar guud ku sameeyaa magaalada qabridahar & nawaaxigeeda taariikhdeeda halka ay mapka aduunka kaga taal si kan aqoonta u leh uu u sii kororsado kan aan aqoonta u lahayna uu uga faa,iidaysto mashruucan cusub ee maqaalka kan uu ku fadhiyo .

Qabriddahar waa magaalo ku taala bartamaha dhulka soomaaligalbeed (Ogadeniya ) waa magaalo halgameed isla markaana ah magaalo qadiim ah oo dadkeedu ahaayeen haddan wali yihiin iftiinka umadda dhulwaynaha soomaaligalbeed waa halka ay ka kici jireen kacdoonada ugu horeeyay 1960-1964-1972 & ugu dambaynntii kii 1992 oo markaas uu bilowday kacdoonkii islaamiga ahaa ee ay wadeena dhalinyaradii u dhalatay dhulka ogadeniya kaas oo laga soo horjeedo gumaysiga cusub ee tigreega.

Qabridahar waa magaalo ku waabariista gumaad & dhiig daata oo ay galayaan laba kooxood oo mid walaba dano gaar ah ka leedahay degaanka ogadeniya gaar ahaa qorahay waxaan u kala saari doonaa labadana kooxood cadowga dibadda oo ah tigreega ka soo duulay 7000 km oo dhanka waqooyi kaga aadan qorahay & qabridahar .

koox kale oo maxali ah oo degaanka falal dil dhac ah ka wada iyagoo ku soo gabanayay magaca muwaadin ama halgamaa waana kooxda ONLF oo xubnahooda u sareeya ay wada exile ku yihiin dibadda iyagoo la baqday xaasaskoodii & caruurtoodii Kooxda Koowaad waa tigreega walaalayaal akhristayaa tigreegu uma dhalan wadankeeena waxayna ku yimaadeen dool ama dad u soo daaqsin tagay oo kale amaba waxay ku yimaadeen dabayla raac ama duulaan xoog ku qabsasho tan danbe ayaa sax ah maxaa yeelay laguma soo dhawayn caleemo qoyan ee waxaa ka hor tagay iska caabin ay iska caabiyeen dadkii ay ku soo duuleen ee soomaalida ahaa degaanka lahaa oo ay hor kacayeen cuqaasha culimaaudiinka waxgarada & dhalinyarada.

waxay maalin walba degaanka ogadeniya ka gaystaan tacadiyo farabadan kuwaas oo isku jira dil dhac & kufsi aan xad lahayn waxaan dheer inay ay bulshadda kala qaybinayaan mar walba wax doorasha ah xor ah kama dhacdo qabridahar ee waxaad ku qasabantahay inaad u codayso SPDP oo ah xisbi gacan ku rimis ah oo tigreegu maamulaan siday doonaan ka yeelaan waxaa xabsiyadda qabridahar ka buuxa maxaabiis shacab ah oo tirada ka badan & kuwa soomaaliya iyagoo ka yimid somalia kadibna baabuurta laga dagay waxaas oo dhan oo tacadiya oo ay samaynayaan tigreegu waxaa ku weheliya soomaali ama maamul ku sheega ha ku jiraan ama banaanka ha ka ahaadaan.

Kooxda nabad diidka ah ee ONLF ee dibad jooga ah Exiles waa koox ku qaraabata in ay u halgamayaan dhulka soomaali galbeed laakiin su,aasha meesha taala ayaa ah xagay joogaan dhulka ogadeniya tigree ayaa xoog ku haystee ma LONDON mise AUSTRALIA mise DENMARK mise GERMANY kooxda waa koox burcad ah isla markaana wax kalsooni ah aan ka haysan shacabka ogadeniya ee dalka waxay dhamaantood joogaan dibadaha iyagoo dhulkii kuwooda ugu sokeeya ay ka soo maqan yihiin 20 sano waa afhayeeno BBCda markay ka hadlayaan aad mooday inay dhulka daryaaminayaa laakiin waa kuwo aan waxba kala ogayn.

DOLAAL waa afhayeenka rasmiga ah ee BBC da uga hadla kooxda oo xaruntoodu tahay LONDON waa kuwo ku naaxay beenta isku dirka shacabka ogadeniay dolaal haddii la waydiiyo su,aal ah aaway gudoomiyaga mohamed omar osman ma yaqaano meel u maanta ku sugan yahay.

Waxuu maanta joogaa mohamed omar osman magaalada BARAAWE halkaas oo ay wadashaqayn qanacsi & maaweelo shacbi uu la wareegaysanayo soomaaliya gudaheeda waxaa sida warbixinta qaramada midoobay sheegtay in kooxda ONLF ay dhulka soomaaliyeed hub soo galiyaa iyadoo horay xayiraad xaga hubka ah lagu soo rogay iyagoo Ereteria xarun u tahay lagana soo dagaal galiyo waxa uu mohamed omar osman oo kooxdan hogaamiya xariir la leeyahay qabqablayaal ku sugan koonfurta soomaaliya oo xashiish ku beera dhulka soomaaliyeed iyagoo faaiidada ay ka helaan hub soo siista si ay faaiido uga helaan.

kooxdan dhulka soomaaligalbeed waxaa looga yaqaana exile groups oo kooxda dibadah ku nool waxay auursadaan qaraan bileed been abuur ah oo loogu magac daray billka halganka inkastoo dadkii nay wada diideen inay bixiyaan maadama ururkan wax dhib ah mooyee aanu shacabka wax nacfi ah u soo wadin kaidb markii ay arkeen dadka degaanada oo wada dadaalo xagga nabaddda .

Falalka burcadnimada ah ee guud ahaa dhulka ogadenya gaar ahaa gobolka qorahay & magaalada Qaridahar ee ay u gaystaan Kooxdan nabad diidka ah ee ONLF qaybta burburinta & baab,inta dadka waa ay badan yihiin tirada reer dhimashada ee degaanka qabridahar ee falalka kooxdan burcad ayaa kor u dhaafay dhowr boqol oo la wada yaqaano oo xabad jidka ay la taagnayeen ku dhinta ama miino ay dhigeen ku dhintay ama tuulooyin ay gubeen lagu laayay.

waxaana ka sheegi karnaa DALAAD, SHINIILE & CEELOGADEN oo dhamaantood hoos taga qorahay waxa kaloo kooxda sida sharci darada ku shaqaysa ay ay gubeen baabuur isku jira kuwa degaanka laga leeyay & kuwa soomaaliya ka soo gudbay oo bucshad waday waana nasiin daro koox yar oo burcad ah isla markaan dibadda laga hago inay shacabka dhibaato u gaystaan laakin maanta shacabkii waa tashaday magaalo walba waa laga soo cayriyay & degaanada ku wareegsan kadin markii ay qabaa,ilku samaysteen malayshiyooyin taabcsan qabridahar waxay leedahay laba maleeshiyo beeleedyo raasado kooxahan qudhaacu dhariiq ah

Waxaa mar dhawayd qabri dahar ka dhacay layn aad u farabadan laakiin warar is khilaafsan ka soo baxayaan wararka ugu badan looguna kalsonyahay ayaa ahaa in koox maxaabiis ah oo dagaal lagu soo qabsaday oo markii horana Ereteria ay ka soo dagaal galiyeen kooxda exile groups ka ayaa diidanaa in loo qaado jiida hore ee dagaal la filayo in uu ka dhex bilowdo ETHIOPIA & ERETERIA.

waxayna isku dayeen inay baxsadan dadkii dhexdiisii magaaladii ayay soo galeen meel kastana waa la hareereyay bal may laba xaladood mid saameeyaan si magaaladu ayna dhib u soo gaadhin illeen iyagaa doontay dhibaatada ka dib markii been loo sheegay laguna yidhi yurub ayaan scholarship idiinka helaynaa xeradu waa banaanka magaalada afaafkeeduna waxuu ku yaalaa ku soo jeedka magaalada may ka baxaan dhinaca galbeedka magaaalada si markaa khasaaruhu u yaraado tan kalena waa iyagoo sameeya inay yeelan qaadista si markaa looga horgeeyo ku wii soo diray ee Ereteria Hadaba waxaa wax laga xumaado ah in caruurta halkaas ku nool lagula dhex wareego hub iyo rasaas aan amxaarada lala doonan karin maa la weeraro magaalooyinka inta jidka dadka shacabka ah maalin walba lagu laynayo maa la qarxiyo bararka khamriga ee lagu iibiyo magaalooyinka waaweyn Ethiopia inta passport la sugayo Waxaa dadwaynaha ogadeniya u sheegaynaa in maanta loo baahanyahay xal dhab ah oo aan la fiirsan dhowr shakhsi oo waa hore is meeleeyay isla markaana caruurtoodii iyo xaasakoodii ay u joogaan guri barwaaqo isla markaana xariir la leh qaar ka tirsan kuwii shalay gubay dhooblay oo isla dadkeenu deganaayeen


SOURCE:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

Ahmedpo@hotmail.com

Xasuusin: Hadii aan nahay bahda Ogadennews waxaan dadweynaha iyo akhristayaasha u sheegaynaa fikrada dadweynaha in anaan anaga masuul ka aheen, uu masuulayadeeda ay saaran tahay shaqsiga soo qoro Ra'yigiisa. isagana lagala xidhiidho waxii su'aal ah.
Mahadsanidiin(Maamulka ogadennews.com)