OGADEN NEWS
Contact ...US


Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.

BREAKING NEWS


Hadaladaas oo ka imanaya labada musuul ee ugu saraysa DKS iyo inta aay isku fikrada yihiin.

C/llaahi yuusuf mar lagu eedeeyay in uu Ethiopia ka amar qaato, jawaabtiisii waxay noqotay in uu yiraahdo aniga ayaaba Ethiopian ah. Wuxuuna sheegaa in uu soo celinayo midnimadii & dowladnimadii soomaaliyeed, bal akhristoow is waafaji labadan eray e is burunaya kana soo wada yeeray iska af qura.

Mar kale wuxuu sheegay in aanu jirin dhul iyo dad soomaaliyeed oo maqan oo gumeeysiga xabashida ku hoos jira. Geedi oo ah nin Profesor ah wuxuu BBC-da ka sheegay in dhulka iyo dadka maqan aay ka mid yihin dowladaha xooga ku heesta taas oo macnaheedu yahay hadaan nahay Madaxwyne C/llahi yuusuf iyo Ra'iisal wasaare Geedi Ethiopia waan u xalaaleenay dhulka iyo dadka Soomaliyeed oo uu reer galbeedku u qacan qabteen Ethiopia.

15 sano ayaa ka soo waregtay markii la waayay qaranimadii Soomaaliyeed, waxaa nasiib daro ah in markii la is lahaa hada ayaa la doogsanayaa in awooda DK ay gacanta u gasho kuwo iyagu balan ku qaaday in aay ku abaal mariyaan Ethiopia xad gudubyada aay ku heeyso shucuubta Soomaaliyeed oo iyagu aan marnaba rabitaankoodu aheyn in aay Ethiopiyaan yihiin ama wax la wadaagaan Ethiopia oo aan aheyn darisnimo.

Waxan jeclaan lahaa in aan xusuusiyo labadan mas'uul iyo kuwa la fikrada ah ba, in dadka Soomaaliyeed ee dhulkaa dagan aayna waligood ogolaaneen in ay ka tirsan yihiin dad iyo dowlad aan tooda ahayn, (dunidan weey ka jiraan umado xoog lagu heesto) taasna waxaa u daliil ah halgamada hubeysan ee is daba yaala ilaa iyo maantadan oo aad adiga Jaale Madaxweyna ka mid ahayd saraakiishii Soomaaliyeed oo dhulkaa xoreeyay argagixintii waarso ka hor, xiligaana Ethiopian maadan aheyn.

Labadaasi mas'uul waxey sheegaan in Ethiopia is badashay talis cadaalada ka taliyo shucuubta Soomaaliyeedna xaqooda heestaan, taasi waxa beebinaya xaalada dhabta ah ee taagan oo aay ugu danbeysay qasuusii ciidamada Ethiopianku aay shalay ka geesteen magaalada Q/Dahare.

Dhibaatooyinka taliska Tigreegu u geesto umadan ma aha wax halkan lagu soo koobi karo, waxa dareemi kara cida aay ku dhaceyso, bulshada caalamka ee cadaalada jecel iyo inta aay Soomaalinimadu ku jirto, waxaase in taa u sii dheer Soomaalida qaarkeed sida kuwa W/Galbeed oo aay dawlidnimadu madaxmartay iyo labadiina mas'uul oo taageero nooc walba ah oo shuruud la'aana siiya cadawga kaliya ee aan ku leenahay dunidan .

Ethiopia waxay cadawkanaga noqotay markii aay ku darsantay gumestihii reer galbeedka ee ina kala qeybiyay, taariikhdana laguma hayo wadan African oo aan ka soo horjeesan nimankaa yurub ka soo duulay oo aan Ethiopia ka ahayn, waxaana la oran karnaa heshiis ayaa dhacay marka aay ku laabato halkii ay ka timid sidii aay guryahoodii ugu laabteen oo kale nimankii korka cadaa.

Max'ed xaaji Ibraahim Cigaal ayuu ahaa ninkii saxiixay in NFD ay Kenya ka mid tahay xili uu hayay jagada aad heeyso oo kale Mr Geediyow ayada oo aanan arintaa baarlamaankii iyo qeybihii kale ee dowlada Soomaaliyeed ee xiligaa ka koobneed ama dadka dhulkooda la saxiixayay aan lagala tashan oo aan rabitaankooda la weydiin.

Hadaba waxa cadaatay siyaasadiina ku aadan dhulka loo yaqaano Ogaadeenya ama S/Galbeed In aaysan jirin wax taageero ah nooceey rabto ha ahaatee oo la idinka sugayaa , waxaanse idankaga digayaa in aadan samaynin qaladkii uu sameeyay Max'ed Xaaji Ibraahim Cigaal oo kale.

Ma jirto wax ka qiimo badan Xoriyada,waxaan idanka mudanahay in aad taageero nooc walba ah na siisaan hadii aad tihiin hogaanka Soomaaliya ee wakhtigan, hadii kale Qadiyadan waxay u taalaa dadka iyagu dhibaatada heeysate , waxan idan ka codsanayaa in eeydan noqon afhayeenka gumeestaha oo eeydan taariikhda meel xun ka gelin. Waxan aaminsanahay in shucuubtan xaqooda aay heli doonan dhawaa ama dheeraatayaaba hadii Alle idmo.


SOURCE:Abdullahi Mohamed

abdimoh@hotmail.com

Xasuusin: Hadii aan nahay bahda Ogadennews waxaan dadweynaha iyo akhristayaasha u sheegaynaa fikrada dadweynaha in anaan anaga masuul ka aheen, uu masuulayadeeda ay saaran tahay shaqsiga soo qoro Ra'yigiisa. isagana lagala xidhiidho waxii su'aal ah.
Mahadsanidiin(Maamulka ogadennews.com)