OGADENNEWS
 

Welcome to Ogadennews

13/11/05, ciidamada ethiopia ayaa in ilaa iyo wiigii la soo dhaafay waxay qodanayeen dhufeysyo ay ka qodanayeen xadka u dhaxeeya iyaga iyo eriteria taasi oo laga cabsi qabo in mar dhaw uu labada wadan dagaal ka bilawdo.

wariyaha BBC Peter Biles ooga soo warama furinta ayaa waxuu sheegay in ay ciidamada ethiopia qodanayeen qodad iyo kaliyo dhaadheer oo lagu qabado hay'ada qaramada midoobay ayaa waxay ku tilmaantay in xaaladu ay aad khatar u tahay.

labada wadan waxay dagaal iskaga horyimaadeen sanadkii 1998 ilaa 2000 halkaasi oo ay ku dhinteen kumanaan ruux waxa la isku heystana waa dhul aad u yar oo lama degaan ah. maalintii arbacada aheyd ayaa raiisul wasaaraha ethiopia meles zenawi waxuu cadeeyay in ciidamo dheeraad ah uu u diray xadka waxuuna yidhi waxaan ka hortageynaa in ay eriteria na qabsato waxaa kale oo la sheegay in ciidamada ethiopia ethiopia ay aad u badan yihiin waxay ethiopia tidhi anagu weerarka ma bilaabeyno dhisamaha ciidamaduna waa is difaac ayay tidhi ethiopia.

labada dhinac waxaa dhex jooga ciidamo ay united nationku iska leeyihiin laakiin labadii bilood ee la soo dhaafy ayaa dawlada eriteria waxay xajirtay diyaaradihii kormeeri jiray xuduuda taasi oo ka xanaajisay dawlada ethiopa.


SOURCE:abdullahi yare
Ogadennews - adissababa

CONTACT BY EMAIL



 
© 2000 ogadennews.com | Design by ogadennews webdesigner