OGADEN NEWS
Contact ...US


Dad u xidhnaa rabshadihii Addisababa oo la sii daayay

BREAKING NEWS

7/11/05,
13/11/05, dad fara badan oo u xidhnaa rabshadihii ka dhacay wadanka ethiopia magaalada adisababa ayaa in ka badan 2,417 ruux laga sii daayay xabsiga. rabshadahaas waxaa ku dhintay dad gaadhaya 40 ruux taasi oo keentay xasi looni la'aan ku timaada ethiopia, telifishinka wadanka ethiopia ayaa yidhi dadkaa la sii daayay lug kuma aysan laheyn rabshadihii ka dhacay adisababa maalintii arbacada aheydna waxaa la sii daayay 255 ruux.

buuqan rabshadaha abuuray ayaa waxuu ka bilawday muran ka taagnaa doorashadii ka dhacday wadanka bishii may 2005, oo ay dadku ku eedeeyeen dawlada in codkii ay sanduuqyada ku shubatay. ilaa iyo hada waxaa xidhan dad ka badan kumanaan oo ay kun jiraan madaxdii ururka mucaaradka ah (CUD) Raiisul wasaaraha ethiopia meles zenawi wuu diiday in madaxda ururka mucaaradka la sii daayo waxuuna aaminsanyahay in ay ka danbeeyeen rabshadihii ka dhacay bishii jun 2005 ee ay ku dhinteen 36 ruux iyo rabshadihii horaantii bishan november 2005 halkaasi oo ay ku dhinteen 40 ruux markii ay ciidamada wadanka ay rasaas ku fureen dadkii banaan baxayay. xaalada wadanka hada ma degano.


SOURCE:abdullahi yare
Ogadennews - adissababa

CONTACT BY EMAIL