OGADEN NEWS


DAWLADA SACUUDIDA OO 6 WIIL OO SOOMAALIYEED QOORTA KA GORSAY
SI XAQ DARO AH

Talaado, April 05, 2005 18:00GMT: Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ayaa aad uga xumaaday falkii qoor gooyada ahaa ee shalay lagula kacay wiilal Soomaaliyeed oo tiradooda lix gaareysay, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay falal dhac ah ka geysanayeen gudaha dalka Sacuudiga.

Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Md. C/llaahi Xasan Ganey Firimbi ayaa aad u cambaareeyay falkaas, wuxuuna sheegay in dowladda Sacuudiga oo ah dowlad Islaam iyo Carab ah aysan ka fileynin in ay muwaadiniin Soomaaliyeed oo Muslim ah dalkeedana ku sugnaa ay ku soo oogto dembi aysan gelin, isla markaana ay qoorta ka goyso.

Md. Firimbi waxaa uu sheegay in haddii shareecada Islaamka la raacayo aanan fal tuuganimo ah lagu muteysaneyn qoor gooyo, ayna muteysan lahaayeen kaliya in gacmaha laga gooyo. Md. Firimbi waxaa uu ka codsaday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md. C/llaahi Yuusuf iyo Mid. Cali Maxamed Geedi in ay arrintaas kala hadlaan dowladda Sacuudiga, maadaama ay yihiin mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kalena qaar ka mid ah eheladii wiilasha la qoor gooyay ayaa ka codsaday dowladda Federaalka Soomaaliyeed in ay meydadka wiilashooda u soo dhoofiyaan dalka Soomaaliya, si ay dhulkooda ugu aastaan. Lama oga waxa ay dowladda Sacuudiga ka yeeli doonto codsigan iyadoo la ogyahay in dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed oo horay qoorta looga gooyay aan la geynin dalka Soomaaliya.

Lixdan Wiil ee Soomaaliyeed ee shalay qoorta laga jaray ayay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Sacuudiga ku eedeysay in ay ka dambeeyeen falal dhac ah oo ay ka geysteen gudaha dalka Sacuudiga, inkastoo wiilashan qaarkood oo hadlay intii ay noolaayeen ay sheegeen in aysan lug ku lahayn fal dambiyeedka lagu soo eedeeyay. Caadiyan waxaa la ogaa in Dowladda Sacuudiga ay horay qoorta uga jari jirtay cid kasta oo ay ku hesho daaroogo, dil ama kufsi, hayeeshee falkii lagula kacay wiilasha Soomaaliyeed ayaa ahaa mid curato cusub ahaa oo aad looga naxay

Qore: mohamednuur Xirsi (Europe)


mohamednuu@hotmail.com