Will Ross
BBC Nairobi
|
 |
 |
|
| Dagaalka Muqdisho waxaa ku barakacay kumanyaal rayid
ah |
17/6/09,
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka waaberigii hore waxa ay weerar
ku qaadeen fadhiisimo ay ay lahaayeen kooxaha mucaaradka, taasina waxa ay
keentay in dagaal culus uu ka qarxo xaafadda Hodan ee magaalada Muqdisho.
Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in taliyihii
ciidamada booliiska ee magaalada Muqdisho Colonel Cali Saciid lagu dilay
dagaalkan ugu danbeeyay.
Tani waxa ay dib u dhac weyn ku tahay ciidamada taabacsan
dowladda Soomaaliya, iyadoo Colonel Cali Saciid uu inta badan ku jiray
jiidda hore isagoo ku dhiirigelinayay saaxiibadiisa inay difaacdaan goobaha
ay gacanta ku hayaan.
Wejigan ugu danbeeyay ee dagaalada 18 ka sano ka socda
waddanka Soomaaliya, kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa waxa ay isku
dayayaan inay awoodda ka tuuraan dowladda aan tabarta lahayn ee Madaxweyne
Shariif Shiikh Axmed.
Dad goob joog ah ayaa arkay, maliishiyo ka tirsan
mucaaradka oo madaxa ay cimaamado ugu xiran yihiin, oo hub iyo rasaas
garbaha ku sita kuwaasi oo ka imanayay dulleedka Muqdisho si ay dagaalka ugu
soo biiraan.
Dadka deegaanka ayaa isku dayaya inay helaan gabaad,
laakiin madaafiicda dhinacyada dagaallamaya ay is weydaarsanayaan ayaa lagu
soo waramay in sideed qof ay ku dhinteen, oo badankood ay ahaayeen dad rayid
ah.
Waxaa jira warar sheegaya in dagaalku uu aad ugu dhawaa
saldhig ay joogaan ciidamada Midowga Africa, iyadoo ay ciidamada Africa
madaafiic ku rideen meelaha ay ku xoogan yihiin mucaaradka.
Si kastaba ha ahaatee saraakiil ka tirsan ciidamada
midowga Africa ayaa beeniyay inay ku lug leeyihiin dagaalka. |