WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Dowladda Soomaaliya oo codsi u jeedisay QM

12/6/09
Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Farxaan Cali Maxamed Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday hey'adaha Qaramada Midoobay in xafiisyadooda ay keenaan waddanka gudihiisa.

Warbixinta Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Farxaan Cali Maxamed, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay golaha wasiirada ka wada hadleen, sidii ay hey'adduhu dalka gudihiisa uga hawl geli lahaayeen.

Lama oga in hey'addaha Qaramada Midoobay oo haatan xafiisyadoodu ku yaalaan magaalada Nairobi ay aqbali doonaan baaqan, marka la eego xaaladda ammaanka Soomaaliya oo aan u suurta gelineyn. waxaa kale oo safaarad ka furanaya somalia wadanka talyaaniga waana wadankii yurub ee oogu horeeya ee safaarad ka furta somalia ilaa iyo intii ay dawladii dhexe ee somalia ay burburtay.

dhawr wadan ayaa hada safaarado somalia ku leh sida kenya , yemen, libiya iyo egypt ama masar. hadii ay safaarda talyaaniga laga furo dalka somalia waxaa weeraro kala duwan ku qaadi doona kooxaha hubeysan ee al-shabaab iyo ahlu-suna waljamaaca oo ka soo horjeeda dawladaha shisheeye ee mogadishu jooga ama imaanaya. kooxahaas oo aan la garaneynin waxa ay u dagaalamayaan iyo hadafkooda siyaasadeed meesha uu ka saleysan yahay.

kooxahaas waxay khatar ku yihiin nabad inay ka dhalato somalia waxaana u dagaalamaya ciidamo shisheeye ah oo ka kala yimid wadamada ciraaq,afganistaan,pakistaan, iyo saudi-arbia iyo wadamo kale oo muslim ah.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar