OGADEN NEWS


qarax isdaba joog ah oo ka dhacay London

9/7/05, maalintii khamiista aheyd 7/7/05, waxaa si isdaba joog loogu geystay magaalada london qaraxyo bumbo oo ka kooban 4 qaraxyadaas oo geystay khasaaro aad iyo aad u balaadhan waxaa halkaa ku dhintay dad gaadhaya 49 ruux waxaana istibitaal ku jira 40 ruux oo xaaladoodu qaar ka mid ah ay aad u liidato waxaa weli lalayahay dad aad u badan oo gaadhaya 50 ruux.

waxaa halkaa iyaguna ku dhaawacmay dad gaadhaya 700 oo ruux ilaa iyo hada dad meyd ah ayaa weli laga soo qufayaa mid ka mid ah godadka tareenadu hoos maraan bambadii oogu horeysay waxay ku qaraxday isteeshinka magaciisa la yidhaahdo aldgate iyo liverpool street saacadu markay aheyd 8.51am, bambadii labaadna waxay ku qaraxday russel square iyo king cross saacadu markay aheyd 8.56am, bambadii sedexaad waxay ku qaraxay edgware road bambadii afraad waxay iyaduna ku qaraxday iyada oo bus kor saaran meesha la tidhaahdo Tavistock Square.

bambooyinkaa oo khasaare laxaad leh u geystay shicibka ingiriiska ayaa waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen koox yar oo la shaqeysa al-qaeda oo yurub ku leh saldhig taasi oo mar kale ku abuurtay cabsi aad u balaadhan in iyaga dib loogu soo jeedsado sidii september 11 2001 markii mareykanka la qarxiyay. qaraxaas ingiriiska loo qeystay ayaa waxaaa la sugayay mudo dheer waayo ingiriisku waxuu la saftay dawlada mareykanka markii la weerayay afganistan iyo ciraaqba iyo dagaalka argagixisada lagula jiraba.

wararka qaarkood waxay sheegayaan in qaar ka mid ah qaraxyada ay ahaayeen qof is qarxiyay oo bumbooyin jidhkiisa ku soo xidhxidhay, arintan oo dadka ingiriiska aad iyo aad ooga yaabisay . waxaa ay poliska ingiriiska ay bilaabeen in ay ku sameeyaan baadhitaan aad u balaadhan si u soo qabtaan cidii ka danbeysay qaraxaan.

dadka muslimiinta ah ee ku nool wadanka ingiriiska ayaa waxaa soo gashay cabsi aad u balaadhan oo dadka qaarkii quyaha kama soo baxaan gaar ahaan haweenka xijaabka qaba oo iyagu u sahlan in dhibaato loo geysto.

kooxdii qaraxan london ka danbeysay waxay ku sii kordhiyeen dadka muslimiinta ah dhibaatadii loo geysan jiray ee wax xal ah oo ay soo kordhiyeen ma uu jiro. muslinimada ay sheeganayaana waxba kama jirto waa dad u dagaalamaya arimo siyaasadeed.




By: Eng:Ahmed Mukhtar Sheikh


ogadennews1@hotmail.com