13/7/10,Masuuliyiinta waddanka Uganda ayaa xiray tiro dad ah oo lala xiriirinayo weeraradii bam ee axaddii
lagu qaaday magaalada Kampala, oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof.
Xiritaanka dadkan ayaa yimi kadib markii laga helay magaalada, suun kuwa la isku qarxiyo ah oo aan qarxin.
Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka
Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof.
Cod duuban oo ay ka soo saareen magaalada Muqdisho, ayaa Afhayeenka Shabaab uu sheegay in kooxdoodu
weerar ku qaadeyso cadawgooda meel walba oo uu joogo.
Afhayeenka Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage, ayaa waxa ku tilmaamay qaraxyada ka dhacay Kampala
inay yihiin bilow, isagoo ugu hanjabay dalalka Uganda iyo Burundi in haddii ay ciidamadooda kala bixi
waayaan Soomaaliya ay la kulmi doonaan dhibaato kale.
Saraakiisha Uganda ayaa sheegay in qaraxyada ay uga shakiyeen Shabaab inay ka danbeysay.
Qaraxyada ayaa dhacay iyadoo dadku daawanayeen cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Adduunka.
Dad goob joogayaal ahaa ayaa ka warramay in kuraas dhiiggu aslay iyo baabuur laga cararay ay goobta buuxeen.
Jawaabta Uganda
Dowladda Uganda oo ka jawaabeysay joogitaanka ciidamadeeda ee Soomaaliya, waxa ay sheegtay in aanay dib uga fiirsaneyn,
oo ciidamadeeda ay sii joogayaan Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee Uganda, (Matia Kasaija,) ayaa sheegay in Uganda ay ka dhabayneyso balanqaadkeedii
ahaa inay kordhineyso ciidamadeeda ka jooga magaalada Muqdisho.
Booliiska Uganda ayaa sheegay inay ka heleen meydka laba qof oo Soomaali ah goobta qaraxa, oo ay uga shakisan yihiin
inay ahaayeen dad isku qarxiyay halkaasi.
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa sheegay in qaraxyda Kampala ay ahaayeen kuwo fuleynimo.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka ay bixinayaan taageero walba oo ay uga baahan tahay dowladda
Uganda/
Wasiirka arrimaha dibedda ee Britain, William Hague ayaa ku tilmaamay weerarka mid naxariis darro ah.
Hanjabaadda Shabaab
Shabaab ayaa toddobaadkii hore ku hanjabtay in shacabka Uganda iyo Burundi ay uga aargoyn doonaan waxa ay ku tilmaameen
xasuuqa ay ciidammada dalalkaasi ku hayaan shacabka Muqdisho.
Isniintii 5-ta July ayay ahayd, markii Cabdi Axmed Aw Maxamuud Godane, oo loo yaqaan Abu Zubeyr, uu faafiyay hadal
isugu jira hanjabaad, xigasho diineed iyo suugaan Soomaali hadalkaas oo macnahiisu ahaa hanjbaad toos ah oo ku
wajahan Uganda iyo Burundi.
Isaga oo shacabka labadaas dal toos ula hadlaya, Abu Zubeyr wuxuu sheegay, in Soomaalida ay Muqdisho ku dileen
Uganda iyo Burundi looga arrgudi doono shacabka Uganda iyo Burundi.
Makhaayadda la qarxiyay waxay ahayd makhaayad Ethiopian ah.
|