
12/12/05
Shaqaalaha gargaarka Laanqeyrt cas
Baabuur bomb lagu soo rakibay ayaa ku qarxay caasimada dalka Lubnaan ee Beyruut,
waxaana halkaa ku dhintay xildhibaan Gibran Tuwini, isla markaanka ah suxufi .
Qaraxa ayaa burburiyay baabuurkii Gibran Tuwini oo lahaa qalab qaraxyada
looga gaashaanto, isagoo dhex marayay xaafad ay u badan yihiin dadka
masiixiyiinta ah ee Mekalis ee magaalada Beryruut.
Ugu yaraan seddex qof oo kale ayaa ku dhintay qaraxa. Mr.
Tuwini ayaa waxaa uu lahaa wargeys Libaraal ah oo
lagu magacaabo An-Nahaar oo aad u dhaleeceeya dalka Suriya.
Xildhibaanka ayaa dhawaan ku soo noqday Lubnaan ka dib
markii uu dhowr bilood ku maqnaa dalka Faransiiska,
sababa xagga amaanka la xiriiray awgood.
Hogaayiha Qoomiyada Druuska, Walid Jamblaat
ayaa waxaa uu BBCda u sheegay in Suuriya ay
lug ku leedahay dilka.
Dowladda Suuriya ayaa canbaareysay qaraxa
oo ku sheegtay in loogu talo galay in wax
lugu yeelo sumacadeeda maalinta Golaha Amaanka
ee Qaramada Midowbey uu ka baaraandagayo warbixinta
hordhaca ah ee looga hadlayo cida dilka Siyaasadeed u
geysatay Ra'iisal Wasaarihii hore ee Lubnaan Rafiiq
Xariiri ee iyada lagu eedeeyay.
Source: BBC
Ogadennews -
CONTACT BY EMAIL