SOMALI LINKS
|
Francois Fall oo ah Ergeyga gaarka ee qaramada midoobayoo ku sugan Ethiopia
05/10/06,
Safarkan, ayaa ku soo beegmay wadahadalo nabadeed oo la qorshaynayo in ay dhexmaraan midowga maxaakiinta iyo dowladda ku
meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Mr Fall, waxaa la filayaa in uu tago Eritrea, Yemen, Sudan, Masar iyo Uganda.
Dhinaca kale, deriska dhinaca koonfureed ee Soomaaliya, oo Kenya ah, oo ka walwal qabta soo bixitaanka Islaamiyiinta ee
Soomaaliya, ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso ammaankeeda.
Ergeyga gaarka ee qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Francois Fall ayaa ku jira dadaal ku saabsan sidii fursada ugu
wanaagsan loo siin lahaa, inuu guulaysto wadahadalka nabadeed ee dabayaaqada bishani loo balansan yahay.
Arrintani ayaa waxa looga jeedaa qaramada midoobay ay baajiso aragtida ugu argagaxa badan ee ka iman karta in
islaamiyiinta ku sii fidaysa koonfurta somalia ay dhaliso dagaal gobolka oo dhan dabkiisu gaadho taasi oo laga
inay soo galaan Maraykanka oo u arkaya islaamiyiinta halis caalami ah.
Ergeygu waxa uu la kulmay r/wasaaraha dalka ethiopia melez zenaawi oo isagu sheegay in laga yaabo in
ciidamadiisu ay si dhakhsa ah u soo farageliyaan arrinta si ay gacan u siiyaan dawlada kmg ah.
Mr Fall waxa kaloo uu la kulmi doonaa cadawga Ethiopia oo ah Ereteria oo u R/wasaare Melez Zanawi sheego inay
hubeeyaan midowga maxaakiimta islaamiga ee Somalia.
Ethiopia oo galbeed ka xigta Somalia iyo Kenya oo koonfur kaga beegan ayaa labaduba waxay hore u wadaan qorshe ah
in ciidamo nabad ilaalineed oo afrikaan ah la geeyo somalia.
Kenya ayaa waxa ay hadda gashay feejignaan wel wel leh oo ku saabsan amaanka dalkeeda kadib markii ay dhawaan
maxaakiimtu qabsadeen magaalada kismayo.
Maalmahan ugu dambeeyeyna waxa maxaakiimta gacanta u galay dhawr magaalo oo kale iyadoo ay hogaamiyayaasha
maxaakiimtu sheegaan inaanay haba yaraatee halis ku ahayn dalalka somalia la deriska ah.
Si kastaba ha ahaatee saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada milatariga,bilayska iyo sirdoonka dalka kenya
ayaa hadda iyana dhamaystay tababar ku saabsan ka hortaga kacdoonada iyadoo sidoo kalena tababar ku saabsan ka
hortaga argagixisada la siiyey gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka ku dhereran soohdinta uu dalkaasi la wadaago somalia.
Source:BBC(London)
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|