WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


JABUUTI: Doorashada Madaxweynaha DFKMG - Jan 30, 2009

30/01/09 SHEIKH SHARIIF SH. AXMED OO HELAY 215 COD.... Kaddib markii la tiriyey codadkii loo qaaday musharaxiinta madaxweynaha DFKMG ayaa wareegii koowaad codadkii ugu badnaa waxaa helay Shiekh Shariif Sheikh Aaden oo helay 215. Waxaa ku soo xigey Maslax Maxamed Siyaad Barre oo helay 60 cod, halka Nuur Cadde ka helay 59 cod, iyo Cali Khaliif Galaydh oo helay 31 cod.

Xildhibaannada xaadirka ku ah guriga Umadad sida Guddoonka Baarlamaanka sheegay waxay gaarayaan 420 Mudane, waxayna isugu yimaadeen in ay kala doortaan musharixiin isu soo taagay qabashada xilka madaxweynenimada Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah: Axmed Xaashi Maxamuud
Cawad Axmed Xasharo
Cali Khaliif Galeyr
C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guul-Wade)
Cali Xaashi Dhoorre
Maslax Maxamed Siyaad
Maxamed Axmed Cali
Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere
Maxamed Cumsaan Aadan
Muuse Macallin Yuusuf
Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Xasan Abshir Faarax
Yuusuf Cumar Al-Azhari

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar