WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Sheekh Shariif oo la hadlay BBC-da

03/02/07, Sheekh Shariif Sheekh Axmed Guddoomiyihii guddiga fulinta ee Midowgii maxaakiimta Islaamka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa markii ugu horaysay la hadlay saxaafadda tan iyo markii maleeshiyadiisii awoodoodii lagu wiiqay duulaan ciidamada Itoobiya ku qaadeen Soomaaliya dhamaadkii sanadkii hore.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo hadda ku sugan dalka Kenya, ayaa u sheegay BBC-da, in uu xiriir joogto ah la sameeyo hogaamiyayaashii kale ee midowgii maxkamadaha Islaamka.

Sheekh Shariif, wuxuu ku baaqay wadahadalo dib u heshiisiineed in lala galo dowladda hadda, isagoo intaa raaciyay in uu rajaynayo in uu ka qaybgalo wadaxaajoodyo ka dhaca gudaha Soomaaliya, waase hadii jawigu ogolaanayo.

Guddoomiyaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuu sheegay in uu tagayo dalka Yemen, oo uu ka wareegayo dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in ciidamada ajnabiga ah ee dalka ku soo duulay ay gaystaan falal qabqabasho ah oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u qaataan Addis Ababa, isagoo intaasi ku daray in ammaan xumo ay u keeneen magaalooyinka ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Kismaayo.

Sheekh Shariif wuxuu xusay in wadada nabadda la mari karo oo xal Soomaaliya loo heli karo oo kaliya marka ciidamada Itoobiya ay ka baxaan dalka oo ummadda Soomaaliyeed faraha looga qaado in ay wada hadlaan oo iyagu heshiiyaan.

Wuxuu ku gacansayray ciidamada la leeyahay waxaa la gaynayaa Soomaaliya ee ka socda Midowga Africa, wuxuu sheegay in nabad la ilaaliyo aysan jirin ee uu jiro dagaal wali socda hadii aan la heshiinin aysan u banaanayn fursad ay ku yimaadaan Soomaaliya.


Source:BBC(London)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar