WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Ethiopia: roobab laxaad leh oo ka da'ay koonfurta ethiopia ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 300 oo ruux

17/8/06, Guryo iyo lo' badan ayuu daadku qaadey Roob xun oo weli ka soda tuulooyinkii Ethiopia ee daadku qaadey, ayaa hor joogsadey gargaarkii loo fidin lahaa dadkii daadku qaadey.

Ugu yaraan 125 qof ayaa ku dhintey markii wabiga Omo uu qararkii jabsadey Axaddii. Dadkii halkaas ku noolaa waxa ay habeenkii Isniintii u hooydeen bannaanka guryahooda, ka dib markii aqaladoodii ku yaaley tuulooyinkaas ay biyo qarqiyeen.

Saraakiisha dowladda Ethiopia ayaa la sheegey iney aaggaas u direen shan doomo matooro leh, si ay dadkaas gacan u siiyaan. Todobaad ka horna biyo ku fatahey bariga Ethiopia ayaa diley dad gaaraya 250 ruux.

Mararka qaar markii roob culus uu ku da'o dhul qalalan, inta u dhaxeysa bilaha June iyo September, ayaa biya fatahahaadu ku dhacdaa qaar ka mid ah dhulka hoose ee Ethiopia.

Tsegay multneh Mr Tsegay Muluneh oo ah madax boolis oo maxali ah, ayaa wakaaladda wararka ee Faransiiska AFP ku yiri "iyadoo hawadu ay aad ugu adkaatey helikobtarada; ayaan duuli kari weyney".

Waxa uu Mr Muluneh intaas raaciyey "waxa aan goobahaas daadku qaadey u dirney dooman joogey aaggaas iyo kuwa dowladda Federaalku leedahey oo ay la socdaan shaqaale iskugu jira dhakhaatiir, baxaariyaal dabaasha iyo quusidda ku takhasusey iyo gargaar cunto deg deg ah".


Source:BBC
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar