Ogadennews: somaliogaden people website
OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

War deg deg ah: kooxda ONLF oo laba kooxood ukala jabtay kooxda Mohamed Omar iyo koox uu horboodayo Mohamed Doolaal oo ka xanaaqay markii xilka uu ka qaaday Mohamed Omar

08/12/07,
Warar xaqiiq ah oo ka soo baxay qaar ka mid ah kooxda ONLF ayaa si shaac ah daboolka ooga qaaday in kooxda ONLF ay si cad laba kooxood oogu kala jabtay kooxda mohamed omar iyo koox uu horboodayo mohamed doolaal waxaa si cad u soo banaanbaxday in ururku uu laba kooxood u kala jabay. in mudo waan iska daayay in aan wax ka qoro kooxda onlf ee halka lug ku luudaysa laakiin markasta waxaa i hor mari ey sarar la ordaya.!!!

bal aynu fiirino muranka u dhaxeeya labadan kooxood waxyaabaha ay isku heystaan shirar aan la yeeshay kooxda cusub ee uu horboodayo mohamed doolaal waxayna ii cadeeyeen in ay u adkeysan waayeen xukun jeclaysiga mohamed omar oo laga dhaqaajin layahay jagada gudoomiyanimada mudo ka badan 9sano iyo badh iyo isaga oo ku tuntay dhamaan sharcigii u yaalay jabhada isaga oo diiday in uu shirweyne qabto si loo doorto gudoomiye cusub oo jabhada xukuma.

falalka uu ku kacay Mohamed Omar ee ka baxsan sharciyada jabhada waxaa ka mid ah in uu ka saaray goloha dhexe ee jabhada xubno gaadhaya 11 oo qaarkood ay jabhada ku soo jireen in ka badan inta uu Mohamed Omar jabhada ka tirsanaa waxuuna ku badalay qaar isga ku dhaw dhaw.

1)waxaa kale oo ay kooxda ka soo horjeeda Mohamed Omar ay ku eedeeyeen waxaa ka mid ah in uu mohamed omar uu dhunsaday dhaqaale badan oo ay jabhadu laheyd .

2)waxaa kale oo ay kooxda ka soo horjeeda Mohamed mar ay ku eedeeyeen in uu xidhiidhyo sir uu la sameeyay qaar ka mid ah madaxda ciidanka ethiopia ee jooga gobolka ogadenya isaga oo ka qariyay maamulka kale ee jabhada. waxayaabaha ay ku wada hadleena waxaa ka mid ah in uu mahamed omar kala diro ururka onlf isla markaasna jago laga siiyo dawlada ethiopia. taasi oo loo fasiri karo khiyaamo qaran.

3)waxaa kale oo ay kooxda ka soo horjeeda Mohamed Omar ay ku eedeeyeen in uu xubnihii uu sida sharci darada ah xilka ooga qaaday uu ku badalay kuwo ku dhaw dhaw oo ay isaga ay isku gobol ka yimaadeen.

4)waxaa kale oo ay kooxda ka soo horjeeda mohamed Omar ay ku eedeeyeen diidmo qabasho shir isaga oo ka cabsanaya in xilkiisii uu waayo iyo xukun jeclaysi.

5)waxaa kale oo lagu eedeeyay Mohamed omar dhunsasho xoolo jabhadeed lacago badan oo gaadhaya $50,000 oo doollar oo looga xawilay jarmalka oo uu mahamed omar iyo kuwa ku dhaw dhaw ay kala qeybsadeen iyo isaga oo sheraton hotel ku seexanayay $500 oo doolar habeen walba mar uu joogay Dubai waxaana lacagtaa iska laheyd jabhada waxaana kharashkaa laga diray jarmalka taasi oo ka cadheysiisay qaar ka mid ah maamulka jabhada.

kooxdan cusub ee uu hogaaminayo Mohamed Doolaal ayaa waxay abaabulayaan shirweyne caalami ah oo lagu doorto gudoomiye cusub ee jabhada hogaamiya waayo mohamed omar kalsoonidii ayaa lagala noqday. kooxdan waxay bishii september2007 shirar kala duwan ay ku qabteen gobolo kala duwan ee wadanka mareykanka halkaasi oo ay ka heleen dad badan oo ka soo horjeeda mohamed omar xukunkiisana mudo dheer saluugsanaa markii uu Mohamed Omar maqlay kooxdaa uu doolaal hogaaaminayo ayaa shirar isdaba joogta ah ku qatay. ayuu isna yidhi magacay jir waa laydhacay bal anigana aan ka daba tago isaga oo ordaya ayuu maraykanka ooga dabatagay isagana waxuu bilaabay in uu shirar ka garab qabto isaga oo dhahaya kooxdan waa beenayaal ee ha aamina .

hadii mid aan idin xusuusiyo mohamed omar iyo kuwa dhaw dhaw lacagta oogu badan oolagu qiyaaso $20,000 oo doolar bil kasta waxay ka helaan jaaliyada ogaden ee mareykanka ku nool marka waxaad ka garaneysaa markii uu maqlay in loodabo maray jaaliyadii mareykanka sida uu durba diyaarad ooga daba qaatay. waxaana loo tartamayaa xukun iyo macaan jeclaysi.

kooxdan cusub ee uu horboodayo Mohamed doolaal waxay kaliya oo ay guulaysan karaan hadii ay qof kale oo lagu kalsoon yahay ay gudoomiye ka dhigtaan Mohamed Omar iyo Mohamed Doolaal waa Dameer iyo labdiisii dhagood oo isma dhaamaan wax kalsooni ahna looma hayo waayo is qabqabsigooda beenta iyo kala qaybinta shacabka ayuu shacabku ka daalay.

waxaa kale oo jira taleefon wada hadal ah oo uu macoow ka duubay cabdirahaman mahdi iyo cabdullahi mukhtar oo internetka lagu daabacay markii macoow la weydiiyay war maxaad nimanka taleefonka ooga duubtay waxuu yidhi heshiiskii ayay iiga baxeen waayo isagana xagan ayay kala sheekeysanayeen xaga kalena mahamed omar ayay kala sheekaysanayeen oo ay u gudbinayeen waxuu macoow dhaho iyo sidii macoow looga saari lahaa jabha looguna sameyn lahaa eedo been oo uusan gelin si xilka looga qaado. Taleefonkaa hadii aad rabto in aad dhageysato halkan ka dhageyso.

riix linkiga:
C/raxmaan Maaday oo Cabasho ka soo qoray Cajaladdii Xog waranka iyo xanta isugu jirtay ee lagu soo daabacay websiteka Ogadeninfo.com..

waxaa arin aad loola yaabo ah in kooxdan ONLF ay gobalkii ogaden dagaal galiyeen dadkii shacabka ahaana godoon la galiyay sidii cayayaankiina ay dawlada Ethiopia ay u layneyso isla markaasina ay kuwa isku sheegaya maamulka ONLF ay isku heystaan dibada koox kastana ay rabto in ay kooxda kale afganbiso. waa arin aad iyo aad loola yaabo.

HADII AAD RABTO IN AAD QORAALKAN WAX KA SHEEGTO AMA AAD FIKRADAADA KA DHIIBATO QORAALKAN QORAAGA MAQAALKAN WAXAAD KALA SOO XIDHIIDHI KARTAA EMAILKA HOOS KU QORTAN FIKIRKAAGA AMA HA FIICNAADO AMA HA XUMAADO WAAN SOO DHAWEYNAYNAA!!!

IF YOU WANT TO COMMENT ABOUT THIS ARTICLE YOU CAN CONTACT THE WRITER BELOW EMAIL WHETHER YOUR COMMENT POSITIVE OR NEGATIVE WE WELCOME IT.


Source:Abdirisaaq sheikh Aadan
Email:Abdirisaaqsheikh@hotmail.co.uk Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar