WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Maxkamadda caalamiga oo amartay in la xiro Al-bashiir

3/3/09, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir Maxkmadda Caalamiga ee damnbiyadda ayaa ku dhawaaqday in la soo xiro Madaxweynaha Sudan Omar Xasan al-Bashir, isagoo loo heysto danbiyo dagaal inuu ka galay Darfur.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee ay maxkamaddu soo saarto amar ah in la soo xiro Madaxweyne waddan oo shaqeynaya.

Waxaa jira cabsi ah in ay degenaansho la'aan abuurto, oo la weerarro ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa ka jooga waddankaasi Sudan.

Mr Bashir, oo isagu beeniyay eedeeymaha loo heyso, ayaa shalay waxa uu sheegay in Maxkamadda caalamiga ah ee Hague inay go'aanka ay gaareen iyagu cunnaan.

Weriyaha BBC ee Peter Martell oo ku sugan magaalada Khartoum ayaa sheegaya in xaaladda caasimaddu ay kacsan tahay oo dadku ay sugayaan go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah.

Ammaanka ayaa si weyn loo xoojiyay magaalada waxaana la filayaa dibedbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha Sudan.

.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar