OGADEN NEWS


ODAYAASHII OGADENYA EE ARDIS-ABABA TAGAY MAXAY
KALA KULMEEN DAWLADA ETHIOPIA !!!

5/04/05, waxaa in mudo ahba joogay magaalada ardis-ababa ee ethiopia odayayaal ka kala yimid gobolada ay ogadenya ka kooban tahay odayaashaas oo isugu jiray ugaasyo, salaadiin,garaadyo, iyo siyaasiyiin ayaa waxay u adkeysan waayeen xaalada siyaasad xumada ee uu dadweynaha ogadenya ku sugan yahay.

iyo maamul xumada ka jirta kililka waxayna go'aansadeen in ay iyagu si toos ah oola xidhiidhaan dawlada ethiopia una muujiyaan in ay nabad diyaar u yihiin shacabka ogadenya hadii ay ethiopia iyadu nabad rabto si wada jir ahna ay ooga hortagaan kooxda nabad diidka ah ee ONLF ee 7 da qabqable hor boodayaan laga bilaabo waqtigan hada lagu jirana in ay odayaashu matalaan danaha dadweynaha reer ogadenya iyagana lagala xaajoodo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobolka ogadenya.

waxna loola qabsan lahaa dawlada ethiopia si loo hormariyo gobolka ogadenya oo hada noqday meesha oogu liidata marka la barbardhigo ethiopiyada kale taasi oo ay kaliftay musuqmaasuq fara badan oo ay kuwa isku sheegaya masuuliyiinta kililka ay ku kaceen.

odayaashu qorshahoodu ay wateen waxuu ahaa

1)in heshiis nabad doon ah lala sameeyo dawlada ethiopia
2)in isbadal lagu sameeyo maamulka kililka
3)in kooxda ONLF laga hortago lagana saaro gobolka ogadenya si nabad iyo xasilooni loo helo
4)in la qabto shir caalami ah oo ay ka soo qeyb galaan dadka siyaasiyiinta ah ee dibadaha ku nool 5i wax looga qabto dhibaatada heysata shicibka ogadenya
6)in la sameeyo ururo kale duwan oo la tartama xisbiga maamula kililka si ay dadku u helaan doorashooyin kala duwan xiliga doorashada

odayaashu markii ay adris-ababa tageen waxay la kulmeen madax kala duwan oo dawlada ethiopia ka mid ah waxay la kulmeen madaxda kililka qaar taageersan fikradaha odayaasha waxay kale oo ay la kulmeen prime ministerka ethiopia Melez zenawi waxayna u bandhigeen qorshahii ay wateen waxana odayaashu markii lala hadlay ay sheegeen in dhamaan barnaamijkii ay wateen laga aqbalay oo ay hadu xaaladu meel fiican u mareyso.

waxayna kale oo ay sheegeen in dadweynaha gobolka u dhashay ogadenya ee dibadaha ku nool ay ka heleen taageero aad iyo aad u balaadhan talaabada cusub ee ay odayaashu qaadeen waxayna kale oo ay sheegeen in ay mar dhaw hawlihii ay u yimaadeen ardis-ababa ay u dhamaan doonaan ka dibna ay bilaabi doonaan sidii hawshaas ay bilaabeen loo fulin lahaa

maamulka ogadennews.com waxay taageersanyihiin fikradaa odayaasha ee ah in nabad xal lagu raadiyo waayo dagaal waxba ku qaadi weynay mudo ka badan 50 sano.

Qore: Eng: Ahmed mukhtar sheikh(UK)


ogadennews1@hotmail.com