Ogadennews: somaliogaden people website
OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

WAR DEG DEG AH:kooxda ONLF oo dad shacab ah ku laysay tuulada CAADO


21/06/06, WAR deg deg oo naga soo gaadhay magaalada wardheer ayaa waxuu sheegayaa in ay kooxda onlf ay saaka weerareen tuulada caado halkaas oo ay ku dileen suldaan Takar suldaan cali saafi iyo 6 ruux oo kale oo ay haween ku jiraan sida uu wariyahaanaga sheegayo.

waxay kale oo ay kooxda onlf ay afduubteen oo ay tuulada caado ka kaxaysteen dad gaadhaya ilaa iyo 20 ruux oo ay 3 dumar tahay. arintan weerarka iyo afduubka shacabka ayaa waxay noqotay jabtar cusub oo furmay.

kooxda onlf oo isu badashay urur cusub oo ku dhawaaqay dilka dhaca iyo afduubka shacabka ogadenya iyaga oo markii hore isku tilmaami jiray in ay u dagaalamayaan shacabka ogadenya jabtarkaa wuu xidhmay waxuuna xidhmay markii ay la xulufoobeen ururada amhara iyo oromo oo ka soo horjeeda jiritaanka shacabka ogadenya.

ma'ahan markii oogu horeysay ee ay kooxda onlf dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay dileen xoolahoodiina gubeen laakiin waxaa ku soo koradhay in ay ku dareen afduub. ilaa iyo hada dadkii tuulada caado dagenaa ma ay garanayaan waxa ay galabsadeen waxayna dilkan iyo afduubakan u keentay deganaansho la'aan iyo cabsi joogta ah.

kooxda onlf waxaa dhaqaalaha looga aruuriyaa wadamada dibadaha sida Yurub, America Australia iyo Carabaha hadaba su'aasha is weydiinta leh ayaa waxay tahay dhaqaalaha ma waxay u aruursanayaan in ku laayaan shacabka ogadenya jawaabtu waa haa waayo indhaheena ayaan ku aragnay dilka caado waa midkii oogu danbeeyay kuwa kalena waan maqli doona dhawaan.

hadaba kuwa lacagaha siinaya kooxda onlf ogoow in lacagtaadii lagu dilay adeerkaa walaalkaa eedadaa aakhirana aad danbiga wax ku leedahay waayo hadii aad saacido dilaa adinguna dilaa ayaad tahay shareecada islaamka. waa buug cusub oo furmay in kooxda onlf ay afduubaan dilaana madaxda beelaha ee nin walboow diyaar garoow waxii aad ka qaban laheyd ololahan cusub ee ka bilaabatay gobolka ogadenya.


Source:cabdirisaaq macalin(wariyaha qoraxeey)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar