WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Shirka Soomaalida ee Djibouti oo furmay

12/5/ 2008 Yusuf Hassan BBC Djibouti Shirka Soomaalida waxa uu ka furmay magaalada Djibouti Wada hadalkii Dowladda KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib U xoreynta ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Djibouti.

Warbixinta Shirka Shirka oo ay sidoo kale ka qeybgalayaan diblomaasiyiin, mas'uuliyiin ka socota ururada Midowga Africa, Jaamicadda Carabta iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiinta ka kala socotay dhinacyada dowladda iyo mucaaradka oo labaduba ka hadlay sida ay u doonayaan in xal loogu helo dhibaatada Somalia.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Ahmedou Ould Abdalla ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in labada dhinac ay isa soo horfariisteen, iyadoo ay tiro kooban ka socdaan dhinac walba.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar