WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


KISMAAYO:Gobollada jubbooyinka weeye boogta ugu xanuunka badan arrimaha Soomaaliya

COL:Faarah Pootaan Warfaa
Expert somalia politics

28/4/ 2008 KISMAAYO: Laga soo billaabo degmooyinka Baaardheere, faxfaxdhuun,gariileey, kismaayo waxaa xoog ku haysta beesha Sade iyo kooxo ay heshiis hoose leeyihiin oo la wada baxay Walaalaha galgaduud, kuwaa oo heshiis hoose ku ah in la wada boobo dhulka ay soomaalida kale leedahay.

Degmooyinkaas la haysto qaarkood waxaa si toos ah ugadhaca dilal fool xun ayadoo aan loo kala aaba yeelin, Rag,dumar, qof yar iyo qof weyn. Dhibaatooyikaas waxaa geysta beesha Sade ee dhulalkaas badankood xoog ku qaatay Waqtigii uu dalka ka talinaayey Maxamed Siyaad Barre iyo kuwa ay iyaga iyo Beesha Cayr ay la wareegeen wixii ka danbeeyey 1999-kii , kuwaas oo ah deegaanada Jubbooyinka. Hantidii dadka sida dhul, beero, guryo, ceelal dhamaan waxa ay galeen gacantooda ayagoo si toos ah u dhacay.
Waxaa intaas sii dheer Wax kasta oo ay dawladdii soomaaliyeed lahayd oo deegaanadaas ku yaalay way bililiqeesteen. Dhulkii waa ay nabaad guuriyeen, kaddib markii shiteen(dhuxul).Beeshaas iyo kuwa kale oo si hoose u taageera oo Soommaaliya aan la doonayn inay nabadi ka dhacdo waa ay diideen wax kasta oo lagu gaari lahaa nidaam,sharci iyo kala dambeyn, waxa ay sameeyeen wax la yiraahdo barakacin iyo gumaad, si dadka uga cararo,dhulkooda iyo hantidooda kaddibna ay u xalaashadaan umada deegaankeeda.

Markaan tusaale u soo qaato Dadka gobbolladaas Jubbooyinka oo ah waqtigan kuwa ugu nolosha xun marka loo fiiriyo nolosha ay ku nool yihiin ,waa kuwa ugu ciqaabta badan,ugu nasiib daran,maxaa yeelay waxay ku nool yihiin argagax joogta oo habeen iyo dharaarba ah,cabsi aan kala go` lahayn,arrinta in dadka sidaas loo galo waa talo ay u dhantahay Beeshaasi iyo kuwa taageera ee aan soomaaliya la doonayn nabadgelyada. Waxaa intaas dadka u dheer dil aan naxariis lahayn. isir naceeb iyo xasuuq. Deegaanada u dhaxeeya Baaardheere,

faxfaxdhuun,gariileey iyo kismaayo inta u dhaxaysa waxaa maalin ilaahay keeno lagu dila isku celcelis dad aan ka yareen 30 qof.
Sidaas waxaa caddeeyay ilo lagu kalsoon yahay oo laga kala helay degaanadaas.

Arrintaas murugada leh ee ay beesha Sade kuwa sheegtay ay ka sameeyeen degaanadaas waa mid reebi doonta raad iyo taariikh xun, masiibada iyo wixii ka yimaada falalakaas xun,waxaa masuuliyaddeeda qaadi doonta beesha Sade(mariixaan).
Xildhibaanada beeshaas waxay afkooda ka cadeeyeen in beeshooda ay xoog ku haysato gobbollada jubbooyinka, Waxay kaloo sheegaan in ay masuuliyiin ka soo jeeda gobollada jubbooyika iyo madax kaleba ay siiyaan lacag, taasoo ka soo gasha dekedda kismaayo.
Alla yaa awrkeeyga qasha oo qayb iiga siiya Bal awrka isagaa lehe muu qasho oo intuu doono cuno, halka uu ka leeyahay yaa hilibka awrkeeyga qayb iga siiya. Kuwa dadkoodii iyo dalkoodii hunguriga dhaafsaday,waa kuwa aan damiir lahayn. Barre Aden shire(Hiiraale) oo meydadkii uu dilay ku dul taagan, dhibaatiiyinkaas oo dhanna geystay baa yiri gogol baan fidinayaa.Gogosha yuu u dhigayaa ma walalaha galgaduud iyo dooxatada jubba ee uu sheegi  jiray inuu kala yimi gal-gaduud mise dad kale.

Ninkaas waxaan u sheegaynaa Gogol hadduu dhigaayo galgaduud baa u baahan ha geeyo oo hadoonto kursigii adeerkii Cali Shire Warsame ee Dhuusamareeb 26-03-1969. Waxaan kaloo leeyahay Daa'uud Dirir adigana yuu waqti kaaga lumin Kismaayo orodo doono kursigii walaalkaa Mahad Dirir ee Dhuusamareeb uu ka soo galay 26-03-1969.

Kismaayo iyo Jubba inteeda kale waa la yaqaan raggii lahaa ee kasoo geli jirey laga soo bilaabo 1954-1969kii. Riwaayada Jubbooyinka ka daaran siiba magaalada Kismaayo ee ay ku haminayaaan Walaalaha galgaduud waxay la mid tahay nin soo jeeda oo riyoonaya.

Col. Faarax Bootaan Warfaa

Warfaa01@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar