WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Dagaal ka dhacay degaanka Ballidoogle

18/5/ 2008 dagaal maanta ka dhacay degaanka ballidoogle Dagaalku wuxuu u muuqday mid labada dhinac u qorsheysan sida ay sheegeen goobjoogeyaashu Dagaalkan oo madaafiicdii la isku ridayey si weyn looga maqlayey magaalada Wanleweyn ayaa haddana laga war qabin wixii kala gaaray labada dhinac, waxaana dagaalkaasi ka dhashay barakac ku yimid xoolo dhaqato badan iyo dadweyne kaleba, waxaana xannibaad ay ku timid waddada dheer ee isku xirtay Muqdisho iyo Baydhabo.

Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa u sheegay BBC-da in ay arkeen qaar ka mid ah baabuurta ciidamada Ethiopia oo la jiidayo oo ay ka muuqato in ay wax ka soo gaareen dagaalkaasi dhacay, iyo sidoo kale baabuur marooyin dusha loogu walambeeyey oo ay dadku u arkayeen in ay sideen askar dhaawac ama dhimasho ah.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar