SOMALI LINKS
|
15 ku dhintay dagaalka ka dhacay Cadaado
3/4/08,
Xoogaga u dagaalama Maxkamadaha islaamka ayaa waxay ku dileen dagaal
Ilaa shan iyo toban qof, ayaa ku dhintay, iyadoo qaar kalena ku dhaawacmeen dagaal kooxo hubaysan iyo ciidamada dowladda ku meelgaarka ah ku
dhexmaray magaalada Cadaado gobolka Galduguud dagaalkaas oo bilawday saacadu markii ay aheyd 6dii subaxnimo dagaalakoos oo socday mudo gaadheysa
30 daqiiqo.
Degmada Cadaado, ayaa wararku sheegayaa in ay dagaalka kadib ay la wareegeen ciidamada ka soo horjeeday dowladda ku meelgaarka ah oo ay ugu
cadcad yihiin kooxda al-Shabaab.
Qaar ka mid ah dhaawicii dagaalka Cadaado, ayaa la geeyay magaalada Gaalkacyo.
Waxaa wararku sheegayaan in ay kooxda weerarku soo qaaday la sheegay in ay la wareego baabuur kuwa dagaalka ah oo ay ku jiraan Tangiyo.
ka dibna ay iskaga baxeen magaalada waxay qaateen ilaa iyo 15 baabuur oo ah kuwa qoryaha dagalka ku rakibanyihiin.
maxakamada oo bilahan danbe waday dagaal ay ooga soo horjeedaan ciidamada ethiopia iyo kuwa dawlada ku meel gaarka ah maxkaduhu waxay sheegeen
in ay wadayaan dagaalka inta ay gumeysiga ethiopia ay heystaan wadanka soomaaliya.
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|