WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


ciidamo Ethiopian ah oo gaaray Buulo burte

Ciidamo Ethiopian ah oo wata ku dhawaad toban gaari oo qaarkood ay yihiin kuwa dagaalka, ayaa maanta si nabad gelyo ah ula wareegay gacan ku haynta magaaladda Buulo burte oo shalay dagaal culusi ku dhexmaray ciidamo DKMG ka ah iyo xoogaga hubeysan ee kadhan ah siyaasadda dowlada iyo joogitaanka ciidamadda shisheeye.

Ciidamadda ayaa lasheegay, in ay horkacayaan masuuliyiin katirsan dowlada oo uu kamid yahay gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo kuxigeenka Badhasaabka Gobolka Sh/dhexe, oo hadda kusugan gudaha magaaladda sida ay BBC da usheegeen dad ku kudhow DKMG.

Sidoo kale, waxaa wali haawanaya xaafado kuyaala deegaanka Halgan oo kamid ahayd meelihii uu kadhacay dagaalkii ugu kululaa ee shalay iyadoo qoysas badan oo kabara kacay dagaalkaasi ay wali haraad iyo kuleyl ladaadsanyihiin dhulka miyiga ah, ee nawaaxiga deegaankaasi sida uu BBC da usheegay Cabdi Yusuf Mumin oo kamid ah waxgaradka deegaankaasi

Dagaalka shalay ka dhacay degmada Bulo Burte iyo hareeraheedda ayaa ahaa kii ugu culusaa ee muddo kabaddan toban sano kadhaca deegaankaasi, waxaana inta la ogyahay kudhintay dad ka badan 12 qof oo isugu jira dhinacyaddi dagaalamayay iyo dad rayid ah.

Galitaanka ciidamadan Ethiopianka ah ayaa kadanbeyay, kadib markii laga warhelay in ay halkaasi xallay isaga baxeen xoogagii qabsaday oo aan faahfaahin laga haynin halka ay qabteen.


Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar