WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka hadlay in uu diyaar u yahay inuu ku taliyo in Somalia loo diro 27,000

BBC London Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu ku taliyo in Somalia loo diro 27,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah oo ka tirsan QM si ay u badelaan ciidamada Africa.

Warbixinta QM

Ban Ki-moon waxa uu sheegay in shuruudo gaar ah ay tahay in marka hore laga soo baxo, taasi oo ay ka mid tahay xabad joojin iyo in Somalia laga soo saaro ciidamada Ethiopia ee taageera dowladda.

Hadalka Xoghayaha Guud ee QM ayaa ku soo beegmay, iyadoo Mareykanka uu ku daray liiska argagaxisada garab ka tirsan maxaakiimtii Islaamiga Al-shabaab. Ethiopia ayaa Somalia ciidamadeedu galeen bishii December ee sanadkii 2006, markaasi oo ay awoodda ka rideen maxkamadihii Islaamiga ee gacanta ku hayay inta badan waddanka Somalia.

Dagaallo waaweyn oo dhexeeyay ciidamada Ethiopia ee taageeraya kuwa dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ee Soomaalida ayaa waxa ku dhintay kumanyaal qof.


Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar